Puntland oo ciidan hore leh geysay Gaalkacyo.!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saan-saan colaadeed, ayaa waxaa laga dareemayaa Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug, ka dib markii Maamulka Puntland uu keenay gurmad ciidan, taa oo laga cabsi qabo in ay sababto dagaal dhex mara Puntland & Galmudug.

Waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ay ka arrimiso, ayaa waxaa xalay soo gaaray boqolaal askari oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaa oo sida la sheegay laga keenay dhinaca Magaalada Boosaaso.

Koonfurta Gaalkacyo oo Galmudug ay ka arrimiso, ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ay ka wadaan Ciidanka Galmudug, iyagoo ka gaashaamanaaya weerar kaga yimaada Puntland.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in Galmudug ay ku soo baraarugtay gurmadka, ay Isniintii iyo Arbacadii Puntland ka kala keentay Magaalooyinka Garoowe & Boosaaso.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaay), ayaa sheegay in Galmudug ay is difaaci doonto, haddii lagu soo gardaroodo.

Qoysas fara-badan, ayaa isaga barakacay xaafadda Garsoor oo ka tirsan Waqooyiga Gaalkacyo, si aanay waxyeelo kaga soo gaarin, haddii uu dagaal yimaado.

Odayaasha Dhaqanka ee ka soo kala jeeda Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa dadaal ugu jira, sidii ay kaga hortaggi lahaayen dagaal ka dhaca Xarunta Gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com