Sawir qosol badan: Tol beelay xuduudii qaranka waa la hilmaamay ee mida beelaha ayaa u daran!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa lagu xaqiijiyay mudnaanta aan la siinin Dhulka Somalia, waxaana sidoo kale lagu muujiyay in shaqsi waliba oo Soomaali ah uu waxqabadka Qaranka ka hormarinaayo tiisa gaar ah amaba tan beesha uu kasoo jeedo.

Sawirka ayaa waxaa lagu kulansiiyay 3 Odayaal dhaqmeed oo midba midka kale ka dheereeyay, waxa uuna mid waliba ku doodayaa in Xadka Somalia oo ay kusoo duruqday Kenya uusan waxba ka khuseyn balse uu dhiigiisa u daadinaayo difaaca deegaanka amaba Gobolka uu kasoo jeedo.

Guud ahaan 3 shaqsi ee lagu matalaayo Colaada u dhexeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxa ay ku sifoowen calaamadihii muujin lahaa in lagu iibgeeyo dalka Somalia.

Soomaalida ayaa waxaa lagu xantaa inay yihiin shucuubta caalamka ugu liita marka la eego Dhaqanka, Dal jaceylka, Qabiilka iyo Nin jecleysiga, waxa uuna sawirkaani qeyb ka yahay Dhul naceybka ka buuxa Soomaalida.
TTW