Xildhibaan ka tirsan BP oo kashifay arrin halis ah oo ay DF Somalia ka wado magaalada Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay sii ololineyso DFS.

Xildhibaanada colaadaasi ku eedeeyay DFS ayaa waxaa kamid ah Cabdi xakiim Dhooba Daareed oo sheegay in DFS ay dhaqaale ku bixineyso dagaalka Galmudug ay kula jirto Puntland.

Xildhibaan Cabdi xakiim Dhooba Daareed, ayaa sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid kaweyn aragtidiisa, waxa uuna cadeeyay in DFS ay sii hurineyso colaada halkii laga sugaayay inay qaboojiso.

Waxa uu cadeeyay Xildhibaanka in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu si cad u garbinaayo Maamulka Galmudug, wixii ka dhacaana Gaalkacyo uu mas’uul ka yahay Xassan Sheekh.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in DFS ay ka soo horjeedo maamullada dhismaya iyo kuwii horay u dhisnaa, islamarkaana ku tumanayso dastuurka dalka iyo dadka Soomaliyeed ka dhaxeeya.

Xildhibaanku waxa uu DFS ugu baaqay inay faraha kala baxdo colaadaha ka taagan Gaalkacyo ama ay xal u raadiso.

Dhanka kale, Siyaasiyiin iyo Nabadoono iminka ku sugan Gaalkacyo ayaa ku howlan sidii loo xalin lahaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com