Dagaal ka dhex qarxay ciidanka Puntland & ISIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay Buuraaleyda galgala ee Gobolka Bari.

Dagaalka oo leysku adeegsaday Hubka culus ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo Daacishta Somalia ee ku sugan Buuraha Galgala.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii Daacishta Somalia ay madaafiic ku garaacen Xarumo fariisin u aheyd Ciidamada Maamulka Puntland, waxaana jawaab ka bixiyay Ciidamada Maamulka oo dhanka ay madaafiicda kasoo dhacday u riday Hub kale.

Is weydaarsiga Hubkaasi ayaa waxa uu markii danbe isku bedelay dagaal fool-ka-fool ah kaasi oo u dhexeeyay labada dhinac.

Inta la xaqiijiyay duqeynta iyo dagaalka ayaa waxaa Ciidamada maamulka uga dhintay ilaa 4 askari, halka Kooxda Daacishta Soomaaliyana dagaalka looga dilay 7 maleeshiyo xagjiriin ah.

Ciidamada Maamulka ayaa iminka Buuraaleyda galgala kawada dhaqdhaqaaqyo ciidan waxaana lasoo warinayaa in halkaasi ay gaaren Ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo doonaayo inay weerar ku qaadan fariisimaha Daacishta Somalia ee ku sugan Buuraha.

Xaalada ayaa ah mid cakiran, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal uu dhiigbadan ku daato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com