Xog: Dagaalkii GAALKACYO oo qabiil loo rogay

Gaalkacyo Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in fashil uu ku dhow yahay kulamada halkaasi ka socda ee u dhexeeya Odayaasha Galmudug iyo Puntland.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Odayaasha Puntand ay qaab Siyaasadeysan u rogeen dagaalka ka socda Gaalkacyo, waxaana lasoo sheegayaa inay ku doodayaan in Ciidamada Galmudug dib looga saaro furunta dagaal oo ay hadda ku sugan yihiin.

Waxa ay Odayaasha ku adkeysanayaan in Ciidamada Galmudug ay ka talaaben qodobadii laga soo saaray wadahadalkii koowad, waxa ayna cadeeyen in Ciidamadaasi ay kusoo siqayaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada Puntland.

Odayaasha Puntland ayaa sidoo kale ku doodaya in wadada uu dagaalka ka bilowday ay sharci ahaan leedahay Puntland islamarkaana loo baahan yahay in Galmudug ay dib uga fiirsato talaabooyinka ay qaadeyso.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha Puntland ayaa la sheegayaa inay ku adkeysanayaan in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Galmudug, waa haddii ay dib u fasixi weyso wadada dhismaha ku socda oo ay is hortaagtay.

Odayaasha Puntland ayaa ku doodaya in wadadaasi dhismaha ku socda ee xigta dhinaca Koofurta Gaalkacyo ay iyaga hoostagto, halka Odayaasha Galmudug taas ay ku gacanseereen.

Dhanka kale, dagaalka Gaalkacyo oo bilowday 22-kii bishaan ayaa waxaa ku nafwaayay illaa 10 qof, halka dhaawacana uu gaaray 30.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com