Video: Cali Khaliif “Xasan wuxuu igu yiri haddii Dhulbahante is raaco cid ma hor-istaagi karto”.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka KhaatumoProf. Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in uu ballanqaad fiican ka heysto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ah Khaatumo haddii ay heshiiso oo midowdo inaysan jirin cid ka hor istaagi karta xukuumad iyo maamul rasmi oo ay yeeshaan.

Col. Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlayay Xaflad dhowaan ka dhacday magaalada Nairobi ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah oo lku saansam beesha Khaatumo ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda dalka.

“Xoogaa nal yar baa muuqda, oo ay xukuumadda dhexe ee dalku leedahay hadii Dhulbahante isu tago oo heshiiyo ma jiro cid ka hor istaagi karta maamul goboleed sax ah” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

“Warhooy Aniga Hargeysa wax iga yaalaa ma jiraan, hadiiba ay iyagu iska badbaadaan waan u duceyneynaa, Garowena madaxweyneheedii baa ka cararay wax naga yaalaana ma jiraan, waxaan ugu duceyneynaa inta naga jirta in uu ilaah ka badbaadiyo” sidaasi waxaa markale yiri Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.