Xiriirka K/Cagta oo go’aan lama filaan ah kasoo saaray cayaarihii ka socday Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay inaan la sii wadi karin tartanka ciyaaraha ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, inta xal rasmi ah laga gaarayo tabashada Kooxda Kubadda cagta ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale war-saxaafadeed dheer oo ka soo baxay xiriirka iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu shaaciyey muhiimadda ay leedahay in la helo cid qaadda masuuliyadda amni ee kooxaha ka soo qeyb gelaya tartanka ciyaaraha.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu canbaareeyey weerarkii lagu qaaday baskii ay la socdeen cayaartoydii K/Galbeed oo hadda ka carooday falkaas kana haray ciyaaraha ka socda Muqdisho.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu soo jeedinayaa in ciyaaraha aan lasii wadi karin, hadii aan la helin cid si gaar ah loogula xisaabtamo masuuliyada amniga ciyaartoyda iyo taageerayaasha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa farriin loogu diray shacabka Soomaaliyeed ee jecel ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada, waxaana laga codsaday inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato ku ah habsami u socodka ciyaaraha.

”Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu soo jeedinayaa in wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha uu ka helo kharashaadka laga qaado taageerayaasha imaanaya garoonka, sida ay horay u balan qaaday wasaaradda dhalinyarada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qodobka ugu dambeeya bayaankaan waxaa lagu yiri “Xiriirka cayaaraha Soomaaliyeed wuxuu soo jeedinayaan in berri aan la cayaari karin tartankii loo balansanaa ilaa laga helo cid qaada masuuliyadda amni ee tartanka.”

Hoos ka akhriso bayaanka