Jeddah (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay sacuudiga diiday dalabkii uga imaaday Turkiga ee ahaa inay halkaas ka sameysato saldhig MIlitari, iyadoo ay kusoo aaday Xilli Ankara ay boqorka Sacuudiga ku cadaadineysay inuu si deg deg ah u xaliyo Khilaafka Dowladaha Khaliijka.
Saudi Press Agency oo soo xiganeyso Mas’uul dowladda ka tirsan ayaa sheegtay “ Boqortooyada Sacuudiga macquul uma ahan inay Turkiga u ogolaato inuu saldhig Militari ka sameysto dhulkeeda”.
“ Boqortooyada uma baahno Saldhigaas, ciidamadeeda hubeysan iyo awoodeeda Militari waa heer sare, waxayna xiriir iyo wada shaqeyn weyn la deedahay Dibadda, oo uu ku jiro saldhigga Incirlik ee la dagaalanka Argagixisada iyo sugidda amniga iyo xasiloonida Gobolka ee ku yaal Turkiga ” ayuu mar kale yiri Mas’uulka xogta siiyey wakaaladda Wararka ee Sacuudiga.
Warbixintaan laga helay Mas’uul ka tirsan dowladda Sacuudiga ayaa kusoo aadeyso xilli uu saacado ka hor sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan inuu Boqorka Sacuudiga Salman ka codsaday inay saldhig halkaas ka sameystaan isla markaasna ay jawaab ka sugayaan.
Go’aanka kasoo baxay Sacuudiga ayaa lama filaan ku noqday dalka Turkiga, waxaana laga yaabaa inuu xumaado xiriirka labada dowladood, waxaana hadda jiro shaki ku aadan inay Sacuudiga go’aankaan ku saleysay Khilaafka Khaliijka, maadaama Turkiga uu la saftay Qatar.
Waxaa la sugayaa jawaabta kasoo baxdo Madaxweynaha Turkiga iyo sida uu uga fal celiyo go’aanka wax yar ka hor kasoo baxay Sacuudiga sida lagu sheegay wakaaladooda wararka.