Xirnaanshaha wadooyinka waanu haynaa xalkeeda’

Bilowgii toddobaadkan, Caasimadda Online ayaa baahisay in xirnaanshaha waddooyinka loo heli karo xal haddii dowladdu ay ka go’an tahay.

Sannadkii hore, dalka Qadar ayaa ugu deeqday Soomaaliya gaadiid basas waaweyn ah si ay ugu adeegsato daabulka shaqaalaheeda rayidka ah iyo kuwa qalabka sida.

Caasimadda ayaa fahamsan in gaadiidkaas aan marnaba sidii loogu tala-galay loogu adeegsan danta guud. Taas beddelkeedana waxaa inta badan la isticmaala waqtiyada ay jiraan isku soo baxyada iyo dabaal-degyada ay dhigato dowladda.

Laamaha ururrada haweenka ee ka jira 17-ka degmo ee gobalka Banaadir ayaa inta badan lagu soo galbiyaa – iyaga oo durbaannadooda – si ay uga mashxaradaan munaasabadaha ka jira gobalka iyo kuwa degmooyinka.

Balse waqtiyada kale, waxay inta badan ku jiraan baakin. Daba-yaaqada sannadkii hore ayay mar adeegsatay dowladdu xilli waddooyinku u xirnaayeen qaabilaadda wufuud calami ah. Waxayna aheyd tallaab aad looga mahad celiyay.

Guddoonka gobalka iyo guddoomiyaasha degmooyinka – oo degma kasta la siiyay gaadiidkan – waxay u muuqdaan kuwa aan xil iska saareyn rafaadka ay ku jiraan shacabka Muqdisho kuwaas oo xilli kuleylaha cadceedda ugu wirwiraya gaarista danahooda.

Warbixinta toddobaadkan ay Caasimada ka qortay xalka loo heli karo xirnaanshaha waddooyinka, waxaa aad usoo dhaweeyey inta badan bulshada. Laakii ilaa iyo hadda Guddoomiye Yariisow iyo guddoomiyaasha kale ee gobalka, waxay sidii hore isaga indha-tirayaan xal-u-helidda xirnaanshaha waddooyinka oo hadda caasimadda ka noqday ‘hot topic’ marwalba hadal-heyntiisu badan tahay.

Caasimadda waxay ku talinaysaa in basaska ku baakiman gobalka loogu adeegso shacabka laga xanibay inay ku safraan gaadiidka dadweynaha kuwaas oo cagahooda maalaya. Xittaa ha noqdaan basaskani kuwa lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa in shacabka loo fududeeyo socdaalkooda maalinlaha ah.

Waa in dowladnimadu noqotaa mid wax horumarinaysa ‘an improving government’, sida uu yiri Thomas Jefferson oo kamid ahaa aabayaashii helay dalnimada Maraykanka.

Haddii lagu guuleysto in saacadaha yar iyo maalmaha kooban ee waddooyinka la xiro shacabka loogu adeego basaska dadweynaha ee isaga jira keydka dowladda, waxaan shaki uusan ku jirin in rafaadka ay ku jiraan shacabka Muqdisho qeyb ahaan raaxo loogu beddeli karo.

Dad badan waxaa laga yaabaa inay sababo amni ku dhaliilayaan talada Caasimada. Balse marba haddii la isla oggol yahay in daryeelka adeegyada shacabka mudnaan sarreysa leedahay, waxaa jirta murti English ah oo tiraahda; ‘where there is a will, there is a way.’

Jiritaanka xaalado amni oo sababi kara in mar qura dadweyne kob ku wada sugan ay ku le’daan qarax iyo wixii la halmaala, su’aasha jiri karta ayaa sida la iskugu haleyn karo amniga basaskan. Dabcan haddii la adeegsado scan-qofeedka fududeeya baaritaannada, jawaab waa loo heli karaa sugidda amniga.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid