Xisaabiyaha guud oo been ka sheegtay xafiiskeeda, shaqada, iyo wasiir Beyle (Arag cadeymo muujinaya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaabiyaha Guud ee dowladda marwo Faadumo Cusmaan Faarax marka laga soo tago inay been abuur, marin habaabin, qas iyo xad-gudub maaliyadeed ku eedeysay xafiiska wasiirka maaliyadda ee JFS hadana waxaa ay sheegtay inay howlahooda kala madaxbannaan yihiin wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska xisaabiyaha guud , iyada oo intaas raacisay in shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud aaney ka mid aheyn kuwa wasaaradda maaliyadda, isla markaana aanu wasiirka magacaabi karin.

Haddaba, Caasimada Online waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa in sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda, lagana heli karo ciddii booqata in xafiiska xisaabiyaha guud ku jira qeybaha ama hey’adaha hoos taga wasaaradda maaliyadda, isla markaana uu ka amar-qaato wasiirka maaliyadda, lana xisaabtamo.

Sida aad ku arki-doontaa shaxda hoggaanka wasaaradda maaliyadda, xafiiska xisaabiyaha guud waa qeyb ka mid ah  xafiisyada wasaaradda maaliyadda, isla markaana ay qasab tahay inuu amro, lana xisaabtamo. Haa, waxaa la xisaabtamaayo xisaabiyaha guud ee qaranka wasiirka maaliyadda, waa sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda iyo shaxda maamul ee wasaaradda.

Isla Website-ka waxaa ku qoran sida ay isu hoos tagaan iyo sida loo kala sareeyo ama habka xogta la isu siiyo amarradana ay maraan.

Arrinta website-ka wasaaradda maaliyadda ku qoran waxaa ay ka hor imaaneysaa warka ay sheegtay xisaabiyaha guud ee Faadumo Cusmaan Faarax iyo sida ay dad badan aamisan yihiin oo ah in xisaabiyaha guud uu la xisaabtami karo dhammaan wasaaradaha oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadda.

Haddaba, waxaa su’aal ka taagantahay haddii ay labada xafiis kala madaxbannaanyihiin, maxaa keenay in wasiirka maaliyadda uu is hoos-geeyo? Haddii aysan kala madaxbannaaneen maxaa keenay muranka?!

Waxaa xusid mudan in hey’adaha madaxabannaan uu ku jiro xafiiska hanti-dhowrka balse aanu ku jirin xafiiska xisaabiyaha, arrintaas oo u baahan in dood dheer laga galo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com