Xisbiga FrP oo soo jeediyey in dhalashada lagala laabto Xasan Kheyre iyo dowladda Norway…

Oslo (Caasimada Online) – Xisbiga Framstegspartiet ee loo soo gaabiyo FrP, kana mid ah xisbiyada waa weyn ee dalka Norway ayaa soo jeediyey in dhalashada dalkaas lagala laabto ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Mazyar Keshvari oo ah afhayeen u hadlay xisbigaas, islamarkaana ah xildhibaan laga soo doorto magaalada Oslo, ayaa sheegay in magacaabista Kheyre ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay la macno tahay inay dhibaato tahay inuu isku haysto laba dhalasho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii dadka qaxootiga ee dalkaas taga ay dib ugu laaban karaan dalkooda, aysan jirin sabab ay baasaboorka Norway isaga haystaan weligood.

Mazyar Keshvari ayaa sheegay in xaqiiqda ah in Xasan Kheyre hadda loo magacaabay ra’iisul wasaare ay si cad u muujineyso in magan galyada lasiiyo soo galootiga loo baahan yahay inay noqoto mid KMG ah oo aan weligeed socon.

Dalka Norway waa mamnuuc in qofka isku haysto laba dhalasho, hase yeeshee xaaladda Soomaaliya ka jirta awgeed ayaa dadka Soomaalida laga reebay sharcigan.

“Marka qof uu noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ama xitaa xildhibaan ka tirsan Soomaaliya, waa inaan u fahamnaa in qofkaas uu yahay Soomaali. Ma dhici karto in qof dal uu ka yahay ra’iisul wasaare, islamarkaana haysto dhalashada dal kale. Haddii ay is-qabtaan danaha labada dal, yuu daacad u noqonayaa” ayuu yiri Mazyar Keshvari.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in ay eegi doonto go’aanka arraintan laga qaadanayo.

Xasan Kheyre ayaa dalka Norway galay isaga oo 21 jir ah, wuxuuna degay magaalada Vestre Slidre ee gobolka Valdres, wuxuuna sanaddii 2006 noqday wakiilka hay’adda qaxootiga Norway ee NRC ee dalka Soomaaliya.

Warbaahinta NRK oo warkan faafisay ayaa sheegtay in xiriir ay la sameysay Xasan Kheyre ay u suurto geli weysay inay hesho.

Caasimada Online
Xafiiska Oslo
caasimada@live.com