Xisbiga Himilo Qaran oo sheegay in ciidamada DF ay rasaas ku fureen guriga Sheekh Shariif + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay galabta rasaas ku fureen bar laga ilaaliyo guriga uu Muqdisho ka deganyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya xabado ku yaalla difaaca ciidanka ilaalada ka haya guriga Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegay in ay soo rideen askarta ka tirsan booliska dowladda federaalka.

Xoghayaha dhanka maaliyadda Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur ayaa tilmaan ka bixiyey nuuca uu ahaa gaariga ay wateen askarta rasaasta ku furtay difaaca hore ee guriga Sheekh Shariif.

Cabdinasir oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii ilaalada ka hayey guriga la rasaaseeyey ee Sheekh Shariif aysan bixin wax jawaab ah, isal markaana ay mas’uuliyad muujiyeen, sida uu hadalka u dhigay

“Gaari ay lee yihiin ciidanka Pilice ka oo numberkiisu yahay :POl 318  ayaa xabado ku furay  difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ciidamada ilaalada ka ahaa guriga waxay Muujiyeen masuuliyad” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo horey xisbiga Himilo Qaran u sheegeen in ciidamo la dul geeyey guriga Shariif, halka wasaaradda amniga ay taas beenisay.

War-saxaafadeed 24-kii bishii dhamaatay ee Maarso kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in la isku dayey in weerar gaadmo ah oo qorsheysan lagu qaado xarunta Madasha iyo hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

War-saxaafadeedkaas Madashu waxay ku xaqiijinaysay isku daygaasi uu dhacay habeenadii isku xigay ee taariikhdu aheyd 22-kii iyo 23-kii Maarso, iyadoo ciidamo lagu hareereeyey hoyga Sheekh Shariif, sida lagu sheegay xilligas warka Madasha,  waxayna arinkaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah xurmada Madaxweynihii hore ee dalka. Kana soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada.

Isla maalinkaas War kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha ay Madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qaar ka mid ah hey’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

War-saxaafadeedkii xilligaas kasoo baxay xaafiiska wasiirka amniga waxaa lagu sheegay in labadii madaxweyne ee ka horeysay madaxweynaha haatan, ay dalkan kasoo asamata bixiyeen xaalado adag, isla markaana ay mudan yihiin tix gelin gaar ah.

Sidoo kale warkaas waxaa lagu sheegay in DFS ay ka digeyso waxa ay ku tilmaantay “ficillada xun iyo wararka been abuurka ah ee ay shakhsiyaad la garanayo ku doonayaan in ay dano siyaasadeed uga maacaashaan wararka aan sal iyo raadka toona lahayn”.