DF oo hal sabab ku diiday inay WHO ka diiwaan-geliso labadii kiis ee coronavirus ee Somaliland ay shaacisay

Muqdisho (Caasimada Online) ―   Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay Labadii Kiis ee Coronavirus, ee ay xalay shaacisey Somaliland in laga helay deegaanadeeda, gaar ahaan magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Dowladda ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn Labadaasi Kiis, maadama ay su’aal galisay awooda ay Somaliland ku xaqiijin karto Kiisas la xiriira Coronavirus, inkasta oo Xukuumada Muuse Biixi ay sheegtay inay u dirtay dalka Kenya dheecaanada labadaasi qof, isla markaana sidaasi lagu xaqiijiyey inay qabaan cudurkaasi.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa si cad u sheegay inaysan kiisaskaasi u gudbineyn Hay’adda WHO, madaama aysan ku kalsooneyn awooda xaqiijinta Coronavirus ee Somaliland.

Waxaana xusid mudan in hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO aysan weli ku soo darin liiska maalinlaha ah ee ay ku shaaciso tirada cudurka Coronavirus, midaasi oo loo badinayo inay qeyb ka tahay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa xalay sheegtay in labo qof oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco laga helay cudurkaasi, iyadoo xustay in mid kamid ah uu yahay muwaadin Shiineys ah, halka midka kalena ay ku sheegtay Muwaadin haysta dhalashada Ingiriiska.