Iska hor-imaad dhex maray ciidamada Kenya iyo Itoobiya

Mooyaale (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka taagan magaalada Mooyaale ee dalka Kenya, oo ku taalla xuduudda dalkaas uu la wadaago Itoobiya, kadib markii ay is-rasaaseeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya,

Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii Itoobiyaanka ay ka hor-yimaadeen qorshe ay Kenya ku xiri lahayd xuduudda, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Dowladda Kenya ayaa xuduudda u dirtay qandaraasleyaal, si ay uga qodaan godad, si loo joojiyo dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Kenya.

Ilo-wareedyo ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in koox hubeysan oo Itoobiyaan ah ay rasaas ku fureen shaqaalaha Kenyanka, islamarkaana ay gubeen taanki shidaal ah iyo baldoosar.

Ciidamada Kenya ayaa markaas kadib ka jawaabay rasaasta, waxaana kadib labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas xooggan oo socotay muddo.

Warbaahinta Kenya ayaa weriyey in kooxda Itoobiyaanka ay wateen dareeska ciidamada, balse warar kale ayaa sheegaya inay ahaayeen maleeshiyo.

Sarkaal ka tirsan guddiga ganacsiga Kenya ayaa sheegay in koox ganacsato Itoobiyaan ah iyo ciidamada amniga dalkaas ay ka carroodeen go’aanka Kenya ay ku xireyso xuduudda

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in kooxda iska hor-imaadka ku lugta laheyd ay ahaayeen ciidamada Takabas ee booliska keydka Itoobiya, kuwaas oo wacad ku maray in xuduudda ay furnaan doonta, oo aysan Kenya xiri karin.

Ilaa hadda ma cadda in dad ay wax ku noqdeen rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac.