Farmaajo oo ku dhawaaqay BAROOR-DIIQ qaran oo lagu maamuusayo Nuur Cadde

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid – Alle ha u naxariistee – Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka weyn ee uu Nuur Cadde – Alle ha u naxariistee – kasoo qaatay dib u soo kabashada dalka, isaga oo wakhti adag u istaagay in uu ka shaqeeyo dowladnimada iyo samata bixinta dalkeenna.

“Innaga oo garoowsan dadaalka uu marxuumku ku bixiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxaan ku dhawaaqayaa Baroor-diiq Qaran oo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo muddadaas calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aynu u siinno Raiisul Wasaare Nuur Cadde –Alle ha u naxariistee – Maamuuska Qaran ee uu naga mudan yahay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Nuur Cadde ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo Febraayo 2009.

Nuur Cadde ayaa intii uu xilka hayey waxay is-khilaafeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana loolankaas oo uu ku adkaaday ay qasabtay in madaxweynaha uu xilka iska casilo 29-kii December 2008.

Nuur Cadde ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa wada-hadalladii nabadeed ee uu la galay Isbaheysigii Asmara, ee uu hoggaaminayey Shariif Sheekh Axmed, taasi oo hoggaamisey shirkii Jabuuti ee madaxweyne loogu doortay Shariif bishii Janaayo 2009.