Xog: Wada-hadallo si rasmi Nairobi uga furmay Axmed Madoobe, Seeraar iyo Xidig

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ka furmay wadahadalo u dhaxeeyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Mucaaradka ku ahaa Maamulkiisa ee Golaha Is-bedel doonka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, wadahadaladaan ayaa waxaa garwadeyn ka ah Dowladda Kenya oo ka shaqeysay sidii la isugu keeni lahaa Madaxweynaha Jubbaland iyo Golaha isbadal doonka oo diiday doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan wada hadaladaan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar iyo Sheekh Daahir oo ka mid ahaa xubnaha ugu weyn ee mucaaradka, sidoo kalana waxaa goob joog ka ah xubno ka socdo Dowladda Kenya.

Ajandaha kulankaan ayaa ah sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa khilaafka soo jiitamayey ee u dhaxeeyo madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubunaha mucaaradka oo garab ka helayey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in xubnaha Kenya ku matalayey kulankaan ay badankooda ahaayeen saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo militariga Kenya.

Wadahadalaan oo qodobadii ugu horeeyey la isku fahmay ayaa la filayaa in la dhameystiro maalmaha soo socdo, waxaana lasoo saari doonaa war murtiyeed ku aadan waxbaayaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Horraantii bishii Febuaray ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubbaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya looga soo qaaday Magaalada Kismaayo, waxayna markii hore kulamo kala duwan la qaateen xubnaha ay Dowladda Kenya u xil saartay inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac.

Bishii August ee sanadkii hore Dib u doorashadii Axmed Madoobe ayaa mucaaradada ugu weyn ee uu gudaha kala kulmay waxay ahaayeen C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar, kuwaasoo iyana si iskood ah Kismaayo ugu dhawaaqay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.