28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Xisbiga Kulmiye oo soo saaray digniin culus oo ku socota Cabdiraxmaan Cirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Kulmiye ee maamulka Somaliland oo maanta warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka maamulkaasi, isaga oo digniin culus kasoo saaray dib u dhac ku yimaada waqtigeeda.

Xisbiga Kulmiye ayaa farriin u diray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in aanu marnaba aqbali doonin muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada xilliga doorashada.

“Sidaa darteed, waxa Xisbiga KULMIYE oo in dhawayd dadaal ugu jiray sidii doorashooyinka soo socdaa ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen uu bulshada u sheegayaa in aannu marnaba aqbalayn dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka, masuuliyad ka saarana aanay jirin oo aan ahayn inuu isku diyaariyo ka qaybgalkooda iyo ka talo-bixintooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ma jirto meel ay Xukuumaddu kaga dhuuman karto masuuliyadda qabsoomidda doorashooyinka muddaysan 31ka May 2026, waana inay ku qabataa muddadaa cayiman”.

Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedkan baaq loogu diray komishanka doorashooyinka Somaliland oo laga dalbaday inay dadajiyaan arrimaha farsamo ee doorashooyinka lagama maarmaanka u ah oo ay kow ka tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sida ku cad xeerka guud ee doorashooyinka maamulkaasi.

WAR-SAXAAFADEED:      Date:26/10/2025

Xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE waxa uu si cad ugu sheegayaa dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka iyo shacabka Somaliland in masuuliyadda koowaad ee doorashooyinka soo socda ay leedahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay dummaddiisa tahay inuu Qaranka ka ilaaliyo dib-u-dhac doorasho sidii uu ummadda ugu ballanqaaday marar badan oo hore.

Sida lala wada socdo Xisbiga KULMIYE xukuumaddiisii waxay ku guulaystay inay soo afjarto muddo-kordhino ay Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada dalku ku fadhiyeen sida Golihii Wakiillada ee uu hoggaamin jiray Mudane Cabdiraxmaan Cirro ee fadhiyey 16ka sanno iyo Golihii Deegaannada ee la doortay 2012, kuwaasi oo ugu dambayn kuraasida banneeyey sannadkii 2021kii.

Sidaa darteed, waxa Xisbiga KULMIYE oo in dhawayd dadaal ugu jiray sidii doorashooyinka soo socdaa ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen uu bulshada u sheegayaa in aannu marnaba aqbalayn dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka, masuuliyad ka saarana aanay jirin oo aan ahayn inuu isku diyaariyo ka qaybgalkooda iyo ka talo-bixintooda.

Waxa xisbi ahaan aannu halkan ku caddanaynaa in masuuliyadda qabashada doorashooyinka uu leeyahay Madaxweynaha Qaranka, waqtigoodana ku qabto.

Sidoo kale, waxaannu ugu baaqaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay dadajiyaan arrimaha farsamo ee doorashooyinka lagama maarmaanka u ah oo ay kow ka tahay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka Xeer Lr.91/2023 qodobadiisa 46aad iyo 47aad.

Xisbiga KULMIYE waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadda talada haysaba xasuusinayaa in muddadii uu xilka Qaranka hayey uu tuurta u ritay bixinta ilaa boqolkiiba 85% kharashkii ku baxay doorashooyinka, halka xilliyadii hore ay qaadhaan-bixiyeyaashu ay bixin jireen boqolkiiba 75%.

Gebogabo, ma jirto meel ay Xukuumaddu kaga dhuuman karto masuuliyadda qabsoomidda doorashooyinka muddaysan 31ka May 2026, waana inay ku qabataa muddadaa cayiman.

- Advertisement -

Read more

Local News