Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka cusub ee ay Itoobiya u soo magacowday maamulkaas, Major General Tagesse Lambamo Dimbore, kaas oo ugu dambeyn soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi aha waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland iyo mas’uuliyiin ka socday xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.
Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan amaanka, ganacsiga iyo arrimaha diblomaasiyadda.
Madaxweyne Deni ayaa marka hore Major General Tagesse Lambamo Dimbore kusoo dhaweeyay caasimada Puntland ee Garoowe, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta labada dhinac, si loo sii adkeeyo xiriirkooda soo jireenka ah.
Sidoo kale Qunsulka cusub ee Itoobiya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Puntland iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeea xiriir adag, iyaga oo leh iskaashi dhow oo ku dhisan saaxibtinimo iyo wada shaqeyn toos ah.
“Itoobiya waa dowlad saaxiib la ah Puntland, muddo adag oo ay ku jirtay Puntland soo garab-taagneyd, haddana aan rajeynayo in ay garab taagnaan doonto,” ayaa horay looga soo xigtay Madaxweyne Deni xilli uu markaas ka hadlayay la macaamilkooda Itoobiya.
Itoobiya ayaa horay heshiisyo waa wayn ula gashay Puntland oo haatan khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


