Xisbiga Shariif oo war kasoo saaray qorshaha muddo kororsi ee DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan uu ku caddeynayo mowqifkiisa ku aadan qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Bayaankan ayaa waxa lagu sheegay in ayaan darro weyn ay tahay in baal-maraan golayaasha DF iyo maamulada qoddobada ku qeexan Dastuurada ee lagu doortay ee awooda u siiyay inay metalaan ama hogaamiyaan bullshadooda.

“Waxaa marna suurta-gal ahayn caqli ahaan iyo sharci ahaanba gole la doortay inuu isagu isu sameeyo muddo kordhin, haday timaado baahi in wax ka bedel lagu sameeyo qodob dastuuri ah oo taabanaya muddo xileedka hay’adaha dowladda, wax ka bedelku wuxuu dhaqan galayaa muddo xileedka dambe, si looga fogaado danaha isdiidan ‘Conflict of interest’,” ayaa lagu yiri.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu amaanisan yahay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray Baydhabo, uuna garwadeenka ka ahaa madaxweyen Xasan Sheekh uu gogol xaar u yahay muddo kororsi ay damacsan yihiin hogaanka sare ee dowaldda federaalka.

“Ifafaaladeediina hadda ayuu ka billowday Golaha Shacabka JFS oo gudbiyay soo-jeedin (Motion) ay ku raadinayaan muddo kororsi. Xisbiga waxa uu gebi ahaanba kasoo horjeeda muddo kororsi noocey doonto ha noqotee, magacii la doonana haloo bixiyee,” ayaa lagu yiri bayaanka Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ah ka ah DF inay dhowraan sharciga kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed, sidii horey loo soo tijaabiyay.

Xisbiga ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu aamnisan yahay in dowlad dhiska Soomaaliyeed uu marayo marxalad adag oo u baahan dhowrista heshiisyada bulsho, adkaynta midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, ayna lagama maarmaan tahay in laga dheeraado wax walba oo horseedi kara in dalkan dib ugu laabto xasilooni-daarro, colaad iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowladda.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay in fikradda kororsiga muddo xileedka inay asaas u tahay kalsooni darro iyo cabsi ay qabaan qaar kamid ah hogaamiyaasha in aan dib loo dooran, waxaana haboon in hogaanka dalku heerarakiisa kala duwan ay ku kalsoonaadaan bulshadooda ayna xoogga saaran inay muddo xileedka la doortay qabtaan waxqabad la taaban karo.”

Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay madaxda dowladda federaalka inay mudnaanta siiyaan shaqooyinka hortabinta u leh qaran Soomaaliyeed iyo geedi dhiska dowladnimada, sida; qabyo-tirka Dastuurka, xoreynta dalka IWM.

“Waana in aan dalka loo horseedin hubanti la’aan siyaasadeed iyo in laga mashquulo halganka loogu jiro la-dagaalanka argagixisada iyo dayn cafinta.”