Ra’iisul Wasaare Xamza oo si caro leh uga hadlay falal kusoo batay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta furay shir sanadeedka 5-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay dilalka kusoo badanaya magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo si caro leh uga hadlay dilalkaasi, gaar ahaan kuwa ay dadka shacabka ah u geysanayaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka dhawaajiyay in aan la aqbali karin xilligaan oo dagaal lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

“In maalin walba arday jaamacada dhiganayay, miskiin bajaaj ku shaqeynayay oo waalid iyo walad ay sugayaan si dhib yar xabad loogu dhufanayaa, haddaan cadaaladu ayna qaban cadowga banaanka lagu baacsanayo wax ay kan ku kala duwan yihiin ma jiraan,” ayuu yiri.

“Waan dadaaleyna oo amniga aan sugna ayaa dhahnay haddana dambiyadii wey dhacayaan, duurka la jira oo cadowga lala diriraya haddana in halkaan ka dhacaan maalin walba waxaasi lama aqbali karo.”

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu faray hay’adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, islamarkaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin.

“Markii la isku soo wada dardaro waa shabakad isku xiran oo ay lagama maarman tahay in hal mar isla saxno iyada oo isla socota. Fule xantii ma mooga meelaha laga eed sheeganayo waa ognahay dadaal ayaa ku wadna ee marka hore waa in aan isla qirna muhiimada ay wadanka iyo umadda u leedahay caddaalada.”

Waxa kale oo uu ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyi-geliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno.

Shir sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ee maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, xeer ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, safiirro iyo marti sharaf kale.