Beelaha Somaliland oo ku kala qeybsamay dagaalka iyo go’aan cusub oo lasoo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Shir ay maanta isugu yimaadeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa si adag looga soo horjeestay go’aamadii ay shalay ku dhawaaqeen garab kale oo kasoo jeeda beeshan.

Odayaashan maanta ku shiray Hargeysa ayaa waxay ku eedeeyeen garabkii shalay soo saaray bayaanka looga soo horjeeday Muuse Biixi in ay yihiin kuwa ay soo saareen guddida Gacan Libaax ee Garxajis ee xisbiga Waddani.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka garabkan kale ee beesha Garxajis u qabsoomay ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka raali-gelinayaan umadda Somaliland qoddobadii shalay lagu soo saaray magaca beesha.

“Salaadiinta Cugaasha iyo Waxgaradka Beelaha Garxajis ee Sama-taliska ahi waxaay ka raali gelinayaan umada reer Somaliland qodabadii ay soo saareen Gudida Waddani iyagoo adeegsanaya magaca Garxajis ee ay kaga soo horjeedeen xal u raadinta dagaalka sokeeye ee ka soda magaalada Laascaanood.”

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedkan “Shirku wuxuu u cadaaynayaa shacabka reer Somaliland in aanay guddidaasi ku metelin beelaha Garxajis qodobada ay soo saareen.”

Waxay sheegeen inay garab taagan yihiin cid kasta oo ku hawlan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Laascaanood, islamarkaana ka shaqeynaysa sidii nabad buuxana loogu soo dabaali lahaa.

“Dadweynaha ku Abtirsada Beelaha Garxajis dagaalka ka socda Laascaanood, waxay kala mid yihiin Umada Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo nabada jecel. Waxaanu shacabka iyo cid kasta oo danaynaysa nabada gobolkaas u xaqiijinaynaa in aanu qeyb ka nahay ergada nabada ee ka kooban madax-dhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland, ee isu xil-qaamay dariiqo kasta oo dagaalkaasi ku istaagayo.”

Sidoo kale waxay sheegeen in garabkii shalay soo saaray bayaanka ay yihiin xisbiga Waddani, sidaa darteedna wixii gef iyo meel ka dhac ka yimaada eedeyntooda dusha loo saarayo xisbiga Waddani, sida ay ku yiraahdeen war-saxaafadka ay soo saareen maanta.

“Salaadiinta Cuqaasha yo Waxgaradkani waxay Tacsi u dirayaan intii ku dhimatay dagaalkaas (Laascaanood), waxayna u ducaaynayaan inta dhaawacu ka soo gaadhay Rabi ha u booga dhayo Aamiin Aamiin.”

Ugu dambeyntiina waxay guul u rajeeyeen ergo ay sheegeen inay isu xil-qaantay xal u helida nabaada, oo sheegeen in ay qayb ka yihiin beelaha Garxajis, oo sida la fahamsan yahay ah ku kooban garabkan ka tirsan beesha ee maanta qabtay shirka jaraa’id.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in shirka jaraa’id ee maanta qabteen odayaashan uu ka dambeeyo Muuse Biixi “oo si weyn u taabteen” go’aamadii shalay kasoo baxay garab kamid ah beesha Garxajis.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleystay in uu kala jebiyo beeshan, isaga oo garabka kasoo horjeeda “ku shaanbadeynaya” xisbiga Waddani, oo kal hore heshiis kula galay madaxtooyada, si jawi nabdoon loogu dhameeyo xiisadda ka taagan Laascaanood.

Muuse iyo xukuumadiisa ayaa dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ku wajahayaan wada-hadal, islamarkaana ay u dirayaan ergo dhaqan oo lasoo fariisata Isimida ku sugan Laascaanood, inkasta oo garaadada SSC ay sheegeen “in aysan jirin” wax ay ka ogyihiin ergada uu sheegay maamulka Muuse Biixi.