Dib u milicso: laba sano ka hor isku-daygii dil ee khatar galin gaaray SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dib ugu laabo maalmaha, habeen hore oo kale laba sano kahor laba madaxweyne oo Soomaaliya soo maray ayaa hoteelkii ay deganaayeen lagu weeraray, waa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo lagu weeraray hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho.

Saacada lagu aadiyay weerarka waa xilli ay badi dadka magaalada ay hurdeen oo la aaminsana in madaxweynayaashu gurmad fiican heli karin. Ilama ahan inaad maanta is-weydiineyso yaa weeraray iyo qorshuhu dil miyuu ahaa.

Dabcan halka aad degan tahay markii sabano oo ciidan dabaabad ku hubeysan loo adeegsado, waano iyo wada-hadal ma ahan ee waa doonista in lagu soo afjaro.

Labo sano kadib madaxweynihii loo diray inay ciidanka dowladda soo khaarajiyaan ayaa maanta dalka xukuma oo ku adkaaday doorashadii dhacday 15-kii May ee 2022.

Kani waa Xasan Sheekh Maxamuud, darsi weyn ayaa halkan ku jira oo la yiraahdo adkeyso ha ka joogsan doonistaada iyo xukun qaadashada khatar badan ayaa ka sokeysa.

Weli wax u eg aargoosi ma uusan sameyn mana ka muuqato Xasan Sheekh astaamaha nin eryanaya ragii isku dayay inay dilaan.

Lama yaqaano waxa uu fali doono gunaanadka muddo xileedkiisa, iyada oo la xasuusto waxa uu Farmaajo ku kacay dhamaadka muddo xileedkiisa.

Haddii habeenkaas labada madaxweyne la dili lahaa lama qiyaasi karo waxa uu noqon lahaa mustaqbalka dowladeed ee Soomaaliya iyo amniga caasimada.

Soomaaliya oo ah dal weli dowlad ahaan jilicsan, qabaa’ilka weli hubeysan yihiin, wadaniyadu ayna xooganeyn, argagixiso dhex jiifto ayaa halis gali karta marwalba oo Villa Somalia uu qabsado hoggaamiye aaminsan siyaasad hubeysan, in la kala adkaado ama tirsanaya tabashooyin hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh maanta waxa uu haysta cashiro ku filan oo u sheegaya in wax walba dalkaan macquul ka yihiin, sidaas darteedna uu ku qasban yahay nabadooneyn, dad isku wad, aargoosi la’aan iyo ilaalinta sharciga qoran ee dalka.

Isla shalay 19-kii Febraayo ee 2021, nidaamkii madaxweyne Farmaajo waxa uu weerar hubeysan ku qaaday banaanbax ay hogaaminayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dalkan waxa uu kasoo baxay gacanta hogaamiye aaminsan siyaasad hubeysan oo aan dan ka laheyn xasilooni siyaasadeed, mid bulsho, Al-Shabaab oo laga adkaado iyo in aan la damqin boogaha qabiilka.

Waxaa la eegaya halka uu Xasan Sheekh dhigo dhamaadka muddo xileedkiisa oo ah 15-ka May 2026.