Daawo: Booliska Muqdisho oo war kasoo saaray dilal ay askari ka geysatay 3 degmo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd faahfaahin ka bixiyay dilal ay dad shacab u geysteen askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dilalkan ay ka kala dhaceen isla shalay saddex degmo oo kala ah; Howl-wadaag, Xamar-Weyne iyo Hodan, waxaana dhamaantood ay ahaayeen rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda ku furanayeen wadada oo jaam aheyd.

Doodishe ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay inta badan askartaasi dadka shacab ah ku dilay saddexda, kadib markii ay si dhaqsa leh uga howl-galeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, halka kuwa kalana ay ku raad-joogaan, sida uu sheegay.

“Howl-wadaag 19-kii February 2023 ayaa saddex shaqsi oo ku lebisan dharka ciidamada qalabka sida oo marayay Masaajidka Nasru-diin waxay rasaas ku fureen dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawa iyaga oo ku macneynaya in ay waddo ku furanayeen taasi oo haba-yaraate qalad ah. Waxa ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo goobta marayay laguna magacaabi jiray AUN Sharmaarke Cabdixakiin Diiriye,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

“Waxaa umadda Soomaaliyeed ogeysiineyna in dhacdadaasi qofka marxuumka ah ku eedeysna ciidankii ku eedeysna gacanta lagu dhigay oo sida ugu dhaqsaha badan waxay kasoo hor-muuqan doonaan maxkamadda awooda u leh si cadaalada u maraan.”

Isla shalay degmada Xamar-Weyne, gaar ahaan agagaarka Afar-Iridoodka waxay saddex askari oo ku lebisnaa direyska ciidanka dowladda ay rasaas ku fureen waddo saxmad ah, taais oo ku dhaawacmay Yuusuf Cabdi Xuseen, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

“Yuusuf ayaa waxa gargaar u fidiyay ciidamada amaanka oo goobta ku baxay, waxaana lagu simay goobaha caafimaadka haddana xaaladiisa waa wanaagsan tahay.”

Dhacdada saddexaad ayaa isla shalay iyaduna askar ka tirsan ciidanka dowladda ay ka geysteen degmada Hodan, taasi oo rasaas ay jid ku furanayeen ku dhaawacantay haweenay goobta ka agdhweyd oo lagu magacaaba Saciido Isaaq Aadan.

“Gabadhaas ku dhaawacantay ayaa waxay gargaar caafimaad u fidiyay ciidamada amaanka. Dadkii ku eedeysna falkaasi wey xiran yihiin intooda kalena waa lagu raad-jooga, waxaana socota baaristooda.”

Dhacdooyinkan ayaa waxa laba kamid ah geystay sida aan hore u baahinay askar ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhawaan lagu soo celiyey magaalada Muqdisho.

Dhowr xarumood ayaa gudaha magaalada Muqdisho laga dejiyey ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxaana magaalada ku soo badaneysa cabashada ay shacabku ka qabaan, iyadoo lagu eedeynayo inay geystaan dilal, dhac iyo handadaado kale oo bulshadu aysan ka mudneyn.

Hoos ka daawo muuqaalka