Aadan Madoobe oo tallaabo qaaday kadib xildhibaanno loogu hanjabay aragtidooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in lagu handaday aragti ay ka dhiibteen sharciga hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo maalmahaan ay doodiisu ka socotay golaha.

Arrintaan guddoonka golaha shacabka ayaa deg deg u soo fara-geliyey, wuxuuna guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in cagajugleyntaas raali gelin laga bixiyey, islamarkaana lagu balamay inaysan soo noqon.

Mid ka mid ah xildhibaanadii lasoo wacay ee loo hanjabay markii ay aragtidooda ka dhiibteen sharciga cusub ee hey’adda Socdaalka ayaa sheegay in raali gelin kaliya aan lagu qanci karin oo loo baahan yahay in ficil la sameeyo, maadaama xildhibaano loo hanjabay.

“Xildhibaankii ku qancay raali gelin sharafteena ayuu meel uga dhacay, arrintaan waxbaa ka soo noqon kara, guddoomiye iyo xildhibaano arrintaas sharciga wixii uu ka qabo hala marsiiyo, xildhibaanada inta lasoo wacay ayaa lagu yiri baarlamaankaa igala dagaalantaye banaanka ayaan kaala dagaalamaa, arrintaas waa gef weyn, sharciga in lagu xaliyo ayaan rabnaa arrintaas,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka shir guddoominayey ayaa islamarkiiba arrintaan ka hadlay wuxuuna dalbaday in xiisadda la dejiyo, maadaama raggii hanjabaada sameeyey ay raali gelin bixiyeen.

“Arrintaas xildhibaanadii ay ku dhacday waa loo yeeray, waa lala fariistay, waana laga raali geliyey, waa dhamaatay, hadda kadib qofkii isku dayana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa oo raali gelin lagama aqbali doono, marka walaalihii ay arrintaas kala gaartay waa iska raali geliyeen, laakiin xildhibaanka cid fikirkiisa ku colaadi karta ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Lama shaacin cidda u hanjabtay xildhibaanada dalbaday in qodobada qaar ee sharciga hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dib loo saxo, kaas oo maalmahaan ay xildhibaanadu ka doodayeen.

Sharcigaan oo ah kii ugu horeeyey oo hey’daan ay yeelaneyso ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi, waxaana dood dheer kadib anxisiyey xildhibaanada golaha shacabka.

Hoos ka daawo