Xisbiga Waddani oo si adag uga jawaabay eedeymo uga yimid xukuumada Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka jawaabay eedeymo uga yimid qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii u dambeeyay uu ka dhaxeeyay dagaal adag oo afka ah.

Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta xisbiga Waddan ee magaalada Hargeysa ayaa si adag uga jawaab celiyay eedeymahaasi.

Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xukunkii deg-dega ahaa ee xukuumada Biixi ay ku soo rogtay deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag.

Xoghaye Khadar oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Waxa jira wax la yidhaahdo Ministerial code of conduct, wasiiradu sideebay tahay inay u dhaqmaan, waxyaabahaasi waxa kow ka ah oo stranded aduunka ah dhan laga yaqaano ah wasiirku inuu run sheeg yahay, waxa muhiim ah in qof shuruucda wadankaasi uu wasiirka ka yahay ixtiraamaha oo isagu uu ku hogaamiyo tusaale oo uu tusaale wanaagsan noqdo, waxa kale oo Wasiirka looga baahan yahay inuu yahay qof ixtraamaya bulshada ama mushtamaca oo wuxuu ku hadalyo ka fiirsada oo hadalkiisu aanu dhacdhac iyo gole ka fuul, ceebayn cid kale lahayn”.

“Maalin dhaweyto wasiiraa iska daba hadlay saddex wasiir hadaanay afarba ahayn arin taagnayd oo ahayd arinta xukunka deg-dega ah ee xukuumadu soo rogtay, ee Baarlamaanku wuu ku mahadsan yahay arintaase uu fashiliyey ayay dhamaantood ka fal-celinayeen, waxay u fal-celinayeen mas’uuliyiin xisbiga Waddani ka tirsan oo ka hadashay oo sheegay sababaha xisbiga Waddani uu u diidan yahay”.

“Anagu xisbi ahaan dhaqan nooma aha inaanu dadka cayno, mana doonayno caruuraheenu inay guryaha naga daawadaan inaga oo is-caayayna ama cid aflagaadaynayna, waxa aanu ka hadalnaa waa siyaasad weeyaan, waa aragti siyaasadeed weeyaan, hadaanu cid dhaliilayno waxa aanu sheegayna waxa aanu cidaasi ku dhaliilayno iyo halka ay tahay in laga toosiyo” ayuu yiri Xoghaye Khadar.

Wuxuuna intaas kusii daray “Tusaale ahaan: arinta xukunka degdega ah hadaad eegto ama hadaad maqasho xukun degdeg ah ayaa meel lagu soo rogay, macnuhu waxa weeyi waxa la laalay wixii la odhan jiray ‘civil liberty’ ama xuquuqdii qofka muwaadinka ahi lahaa ayaa la laalay, shruucdii ayaa la dabciyey oo qaar ka mid ah laga talaabsaday”.

“Ta la xalaalaynayaa oo marka hore laga hadlaayo ee la leeyahay xukun degdeg ah taas weeyaan, anagu markaas taas waxaanu u aragnaa oo aanu ku diidanahay arinta xukunka dedega ah inaga hadaynu nahay reer Somaliland waxa inoogu lamaan oo inoogu ladhan oo ay sumad inoogu leedahay dhaqankii dawladii siyaad barre, xasuus xun ayay inagu leedahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com