Wasaarada waxbarashada oo ka digtay dad faafinaya imtixaan been abuur ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare  ee Xukumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ciqaab adag la kulmi doonaan dad lagu eedeeyay inay imtixaanaad been abuur ay ku faafinayaan baraha Bulshada.

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in shaqsiyaadkaasi sharciga lala tiigsan doono, haddii gacanta lagu dhigo, maadaama ay waxyaabo aan jirin ka faafinayaan wasaaradda islamarkaana ay ku marin habaabinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay, waxay ku sheegtay in imtixaanaadka lagu faafiyay baraha bulshada ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.

“Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare waxay digniin u direysaa dadka caadeystay in ay ku faafiyaan baraha bulshada,imtixaanada been abuurka ah oo aan sal iyo raad toona laheyn islamarkaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

“Haddaba annagoo ka duuleyna arrintaasi ayaan waxaan idinku wargelinayaa in shaqsigii lagu qabto isagoo faafinaya imtixaan been abuur ah in wasaaraddu la tiigsan doonto sharciga” ayaa lasii raaciyay qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale wasaarada ayaa ugu baaqday ardayda in ay ku kalsoonaadaan naftooda ayna badiyaan aqriska cashirada ay imtixaamka ku galayaan, iyada oo Mustaqbal wanaagsan u rajaysay ardayda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan ardayda u fadhiisanaysa imtixaanka qaranka in ay diirrada saaraan wax aqriska islamarkaana ay ku kalsoonaadaan naftooda
Waxaan idin rajeynaynaa natiijo wacan waxaa tihiin mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com