Xisbiyada UPD, Wadajir iyo Himilo Qaran oo taageeray mid ka mid ah labada liis xildhibaanno ee Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa taageeray xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland maanta loo dhaariyey, ayaga oo soo saaray warsaxaaafdeedyo kala duwan.

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, kan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir iyo midka Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayaa dhammaantood taageeray xildhibaanada ay dhaariyeen guddiga doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedyada

Warsaxaafadeedka xisbiga UPD

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu u hambalyeynayaa xildhibaanada cusub ee dawlad goboleedka Jubaland ee maantey lagu dhaariyey. magaalada Kismaayo caasimadda ku meelgaarka ah ee DG Jubaland, tallaabadaas oo aheyd mid horey loo qaadey Isla markaana bilow u ah in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Jubaland ay waqtigeedii ku qabsoonto.

Waxaa sidoo kale xisbiga UPD uu bogaadinayaa hawsha ballaaran ee illaa iyo hadda ay qabteen Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland iyo sida ay uga dhabeeyeen jadwalkii ay horey u degsadeen ee tilmaamayey geedi-socodka doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.

Xisbiga UPD oo cuskanaya qodobka 120-aad ee dastuurka dalka ee qeexaya in dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu ay yihiin awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaaminayo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada, waxaan madaxda dawladda federaalka iyo laamaha amniga uga baaqaynaa in ay dhowraan dastuurka dalka, kana digtoonaadaan faragalin toos ah iyo mid dadban intaba, taasoo horseeda karta xasilooni darro ka dhacda deegaanadaas oo fursad siisa kooxaha argagixisada ah.

Warsaxaafadeedka xisbiga Himilo Qaran

WARSAXAAFADEED.
13/08/2018

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee uu ku dhawaaqay Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland taariikhdu markay aheyd 12/08/2019.

Xisbigu wuxuu bogaadinayaa shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, iyadoo Xisbigu ku baaqayo in doorashada Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha loo qabto si hufan oo nabad gelyo ah.

Xisbigu wuxuu sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u horseedi kara dhibaato iyo burbur, iyadoo laga fakarayo dano gaar ah oo aan u adeegayn bulshada ku dhaqan Jubbaland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Xasilloonida iyo amniga Jubbaland, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo bulshada reer Jubbaland u horseedi kara dhibaato iyo dhiig la daadiyo .

Dhammaad

Warsaxaafadeedka xisbiga Wadajir