Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 10 xisbi Siyaasadeed oo ku mideysan Isbahaysiga Caddaaladda iyo Rajo Soo celinta Soomaaliyeed (ICRSOS) ayaa soo saaray bayaan culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashooyinka 2026.
Xisbiyadan ayaa ugu horeyntii si weyn uga horyimid qodobada kasoo baxay Gogoshii Wadatashiga Qaran ee uu dhowaan magaalada Muqdisho ku qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban qoddobo door ah sida: arrimaha doorashooyinka, ilaalinta midnimada dalka iyo dhamaystirka dastuurka, oo muran xooggaan ka taagan yahay.
“Gogoshu waxay isla qaadatay in doorasho dadban nooc kasta oo ay tahay aan dib loogu noqon. Iyadoo laga ambaqaadayo khibradaha dhanka dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka ee maamullada Somaliland iyo Puntland, gogoshu waxaa ay hoosta ka xariiqday in si deg-deg ah loo qabto doorashada dawladaha hoose ee deegaanada kale ee dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay shirki uu qabtay Madaxweyne Xasan.
10-ka Xisbi ee haatan soo saaray bayaanka ayaa waxa ay cambaareyn kala dul dhaceen shirka ay Villa Soomaaliya ku qabatay magaalada Muqdisho, waxayna ku tilmaameen mid noqday sharci-darro oo ka leexday heshiisyadii siyaasadeed ee hore Ummadda Somaaliyeed u gaartay uuna isku beddalay shirkaasi madal hal xisbi isku ah.
Ururada ayaa sidoo kale ku baaqay midnimo siyaasadeed, doorasho loo dhan yahay iyo in la ilaaliyo dastuurka u yaalla dalka oo ay sheegeen inuu horay u laalay Xasan Sheekh.
Waxaa kale oo ay si adag u cambaareeyeen weeraro ay sheegeen in lagu hayo ururrada siyaasadeed ee sharciga ah iyo abuurista xisbiyo been abuur ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Xisbiyadan ku mideysan Isbahaysiga Caddaaladda iyo Rajo Soo Celinta Soomaaliyeed (ICRS) waxa ay intaasi ku dareen in loo baahan yahay in si midnimo ah loo wajaho xaaladda taagan, si looga hortago burbur ku yimaada dowladnimada Soomaaliya.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan loo ballansan yahay shir kale oo ay yeelan doonaan Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay Golaha Samatabixinta, kaas oo isna looga hadli doono is mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka.
Soomaaiya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana la’isku hayaa qorshaha Villa Somalia ay ku dooneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay walaac xooggan ka muujinayaan Puntland, Jubaland iyo syaasiyiinta mucaaradka dalka.