Gudoomiyaha Xisbul Istiqlaal Maxamed Macalin Cali iyo Xubno ka tirsan Ururkaas oo maAnta magaalada Nairobi kula hadlay saxaafada ayaa ka hadlay xaalada abaaraha dalka ka jira Doorashadaa Soomaaliya ayaga oo fariin u Diray Beesha caalamka oo faraha ku haysa Xiligaan arimaha Soomaaliya.
Gudoomiye Maxamed Macalin Cali ayaa ku tilmaamay xaalada Soomaaliya tii ugu Xumayn ee soo marta sanadihii la soo dhafay, waxa uuna sheegay in Xiligaan Doorashada ka dhacaysa Soomaaliya ay ku baxayso Milayin Dolar, taasi oo uu ku Tilmaamay mid aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan aan la aqbali Karin.
Waxa uuna baaq u diray Xildhibaanada Soomaaliyeed si kastaba haku imaadaan, waxa uuna ugu baaqay in ay doortaan hogaan cadaalad ah.
“ Waxaan leeyahay Xildhibaanada Soomaaliya si kastaba ku imaadee waxaa la idinka rabaa in aad dalka diinta iyo dadka u naxdaan oo aad doortaan Hogaan Cusub oo dalka samata Bixin kara”ayuu yiri Maxamed Macalin Cali oo ah Gudoomiyaha Xisbul Istiqlaal.
Maxamed waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in aya daacad ka Noqdaan xaalada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay xaalada Soomaaliya ay taagan tahay meeshii ugu xumayd.
Sidoo kale Mas’uuliyiintii meesha ka hadashay waxaa ka mid ahaa cali maxamed xaashi Xog-hayaha maaliyada ee Xibiga, DR Cumar qadiib Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga, ismaaciil maxamed cabdulaahi wakiilka Jubaland ee Xisbiga, iyo Mas’uuliyiin kale.
Warsaxaafadeedka halkan Hoose ka aqriso..
War-saxaafadeed:
Xisbiga Al-istqlaal oo ka midka ah Axzaabta siyaasadeed ee ka jira Dalka, wuxuu ka walaacsan yahay xaalada adag ee uu Dalku marayo iyo marxaladda kala guurkaa ee loogu diyaar garoobaayo doorashada madaxtinimada Dalka.Tilaabo yar oo loo qaado dhinaca xuna, waxaa ka dhalan kara qalalaase siyaasadeed iyo dhibaato hor leh oo uu Dalku galo.
Hadaba xisbigu wuxuu ka walaacsan yahay xaaladahaan hoos ku xusan sida:
- Xaaladda Abaaraha:
Xilayadii Roob la’aaneed ee is xigay Gugii iyo Dayrtii la soo dhaafay, waxaa Dadka iyo Duunyadiiba soo footsaartay Abaar saamaysay dhamaan G/Dalka. Waxayna Dowladii xilkeedu dhamaaday iyo Hay’adaha NGO Internationalka ah ee ka howl gala Soomaaliya ku guul dareysteen, inay sameeyaan wax ka hortag ah oo wax looga qaban karay, xaalada maanta faraha ka baxday ee Duunyadii (xoolihii) inteedii badnayd iyo dadkii qaybo ka mid ah ay gaajo iyo haraad u dhimanayaan.
- Xaaladda Amni daro iyo faragalinta shisheeye ee sii siyaadaysa:
Waxaa xisbigu ka walaacsan yahay, xaaladaha amni daro oo marba marka ka danbaysa sii yeelanaysa waji hor leh oo lagu gumaadayo shacabka Soomaalieed, gaar ahaan waxa ka soconaya caasimadda Soomaaliya ee Mugadisho iyo faragalinta qaawan ee shisheeyuhu sii galinayaan Dalka oo keentay inuusan jirin go’aan gaara oo mas’uuliyiinteenu gaari karaan.
- Xaaladda sicir barar ee Dalka marayo:
Xaalada sicir barar ee Dalku marayo iyo halista ka dhalatay in laga tago isticmaalkii shilinkii Soomaaliga laguna bedelo $US, waa mid diif iyo dandaro hor leh sii galisay qoysas badan oo Soomaaliyeed. Mana muuqato cid u taagan maanta, inay si degdeg ah wax uga qabanaysa halistaas baahsan iyo dhibaatada ay xambaarsan tahay ee sababtay in qoysas badan qarka u saaran yihiin inay gaajo u le’daan.
- Xaaladda midnimadii Dalku lahaay oo sii lumaysa:
Dalka Soomaaliya ayaa u muuqda maanta, meel la wada yeeshay oo aan cidna u astaysnayn kana tirmi raba maabka dunidda ee Dowladeed, hadaysan Soomaalidu siday ku jiraan wax ka bedelin inta goori goor tahayna aysan u istaagin soo celinta midnimadii ay wadaagi jireen, haday ahaan lahayd tii qowmiyadeed, Luqadeed iyo diineed intaba. Waxaana tusaale cad kuugu filan madaxweynayasha is daba yaacaye oo marba meel loogu wada yeerayo,marna mid mid loogu kala yeerayo.
- Xaaladda dibu-heshiisiin la’aaneed ee Dalka:
In kastoo laga soo gudbay marxaladii dowlad la’aaneed iyo KMG, maantana Dalka ay ka jirto Dowlad laga ictiraafsan yahay dunidda, hadana xukuumada waqtigeedu dhamaaday waxay ku fashilantay dhamaystirka howlihii dibu-heshiisiinta Qabaa’ilka dhexdooda iyo mucaaradkaba. Arimaasuna waxay qayb ka noqdeen xasaradaha colaadeed ee taagan ee qabaa’ilka iyo maamul goboleedyada sida xaalada Gobolka Mudug.
- Xaaaladda musuqmaasuq ee la xalaalaystay:
Sida loo lunsanayo hantidii iyo dhaqaalihii Dalka iyo sida uu uga midka noqonayo masusqmaasuqu nolol maalmeedka mas’uuliyiinta iyo Siyaasiinta Soomaaliyeed, waa midaan laga aamusi Karin. Hantidii qaran ee looga adeegi lahaay bulshada, sida waxbarashadda, Caafimaadka, Dayactirka iyo dhisidda wadooyinka, waxaa loo isticmaalaa hanti gaar ahaaneed oo maanta in badan oo xildhibaanaa ugu soo baxeen xubinimadda xildhibaanimadda.
- Xaaladda akhlaaq xumo oo gaartay heerkii ugu xumayd abad:
Umadda Soomaaliyeed waa umad Muslim ah oo akhlaaq iyo dhaqan Islaam leh, waxaase waqtiyadaan danbe sii badanaya akhlaaq xumo iyo xishood daro aan horey loo qabin, iyadoo la soo min guurinayo dhaqamo aan islaamkeenu iyo dhaqankeenu midna qabin, gaar ahaan dhalinyaradda iyo dumarkeena oo ka sii tagaya dhaqankii Islaamka.
- Xaaladda tahriibka oo yeelan waayay dhamaad:
Wuxuu xisbigu ka walaacsan yahay xaalada adag ee aan la fiirsan Karin ee dhalinyaradii Soomaliyeed ugu le’enayaan badaha iyo Saxaraha Africa, dhalintaas oo awalba ahaay hambo ka soo hartay dagaaladii ba’naa ee la soo maray ilaa hadana wali taagan.Mana ay jirto cid u taagan sidii loo xakamayn lahaay waxna loogu qaban lahaay.
BAAQ:
Xaaladahaas halista badan ee lagu sugan yahay, wuxuu xisbigu ugu baaqayaa qaybahaan kala duwan sidatan:
1- Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliyeed ee la soo doortay, si kastaba ha ku yimaadeene, inay maanta u istaagaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacabkooda oo ay noqdaan umad wakiil ka noqon karta difaaca Dadkooda Diintooda iyo Dalkooda intaba.
2- Xisbigu wuxuu u soo jeedinayaa qoys kasta oo Soomaaliyeed oo awood dhaqaale u leh , inuu kafaalo qaado qoys ama labo qoys iyo hadba intuu karo, mudadda sadexda bilood ee nagu soo fool leh ee Feb- March iyo Abril, si looga hortago waxyeelada ba’aan ee abaaraha ku galaafanaya kumanaanka qoys ee Soomaaliyeed.
3- Wuxuu xisbigu ugu baaqayaa Dowladaha aan saaxiibka nahay sida Dowladda Turkiga, Dowlaha Khaliijka iyo beesha caalamkuba inay umada Soomaaliyeed taageero la taaban karo u fidiyaan.
4- Xisbigu wuxu ugu baaqayaa dhamaan umada Soomaaliyeed, inay si dhab ah ugu istaagaan inaynan cid kale ka sugin sugida amnigooda, aayatiinka ubadkooda iyo horumarkoodaba.
5- Waxaan ugu baaqeynaa Culumada Soomaaliyeed, inaysan dhagaha ka fureysan xaaladaha kala duwan ee ka taagan Dalka una istaagaan sidii loo samata bixin lahaay dadka, Diinta iyo Dalka, iyagoo ka qayb qaadanaya hogaanka siyaasadeed ee Dalka. Sidoo kalena, wax ka yiraahdaan dhaqan xumada sii baahaysa iyo wacyi galinta bulshada.
6- Xisbigu wuxuu soo jeedinayaa in xukuumada cusub noqto mid aqoon iyo kuf lagu soo xulay oo teknooqoraadi ah ee aan lagu soo xulin musuqmaasuq, Eex iyo saaxiibtinimo.
7- Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa dhalinta Soomaaliyeed ee ku le’enaya Badaha iyo Saharaha, inay ka waantoobaan Tahriibkaan lagu qamaaraayo noloshii alle ku siiyay, kana howl galaan inay Dalkooda difaacdaan cadow kaste mid gudaha iyo mid dibadeedba, isaga ayaad haybad iyo Sharaf ku leedahaye.
8- Xisbigu wuxuu soo jeedinayaa in xukumada cusub dhisto Gudi madax banana oo la dagaalama musuqmaasuqa lagu lunsanayo hantidii umadda ka wada dhaxeysay iyo la xisaabtanka siyaasiinta iyo ms’uuliyaadka loogu igmaday ka mira dhalintooda.
Wa bilaahi towfi
Maxamed Macalin Cali
Gud\ Hisbiga Istiqlaal