Sawirro: Indonesia oo fulisay xukun tacsiir ah kadib markii ay…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Indonesia ayaa fulisay Xukun Tacsiir ah, kadib markii Nin iyo Haweeney qaangaar ah ay isugu tageen si sharci darro ah.

Maxkamada Indonesia ayaa labadaasi ruux ku riday xukun jeedal oo min 26 ah, kadib markii labadaasi ruux ay cadeysteen inaanu guur soo marin isla markaana ay isugu tageen si sharcida Islaamka ka fog.

Xukunta jeedalka ah ayaa ka dhacay fagaaro ku yaalla Gobalka Aceh oo ah halka inta badan lagu fuliyo xukunada Jeedalka ah.

Fulinta Xukunka ayaa waxaa usoo daawasho tagay inkabadan 800 ruux, oo kamid ah dadka dega Gobalka Aceh ee dalka Indonesia.