Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa walaac ka muujiyay wadahadal ay khadka Teleefanka kuwada yeesheen Ra’isul wasaaraha Dalka Australia Malcolm Turnbull.
Donald Trump, ayaa sheegay in wadahadalkaasi uu ahaa midkii ugu xumaa uu abid la yeeshay Diplumaasi reer Galbeed ah.
Trump ayaa Ra’isul wasaaraha Australia ku eedeeyay inuu isku dayaya inay usoo dhoofiyaan dad sameyn karo qaraxyadii Boston oo kale, hayeeshee go’aankaasi uu kala fogeyn doono xiriirka labada dal, sida uu hadalka u dhigay Trump.
Trump, ayaa sidoo kale ka hor imaaday heshiiska qaxootiga ee u dhexeeyay Dowladii uu hogaaminaayay Obama iyo Australia, waxa uuna Heshiiskaasi ku tilmaamay heshiis kii ugu xumaa ee abid ee dhexmara laba dal.
Trump, waxa uu laalay heshiiska dhexmaray Mareykanka iyo Australia, waxa uuna sidoo kale waxkama jiraan ku sheegay in heshiiska noocaasi ah uu hormar gaarsiinkaro dalka Mareykanka.
Dhinaca kale, waxa uu Donald Trump sheegay inuusan dooneynin heshiis uu la galo Australia waxa uuna meesha ka saaray in Mareykanka ay maslaxad ugu jiro inay aqbalaan qaxootiga Australia.
Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

