25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

“Xittaa sadaqada looma sinna Somalia oo waa 4.5” Waxaa sidaas yiri….!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in la iska indha tiray dhibaatada Gobolka Shabellaha dhexe ka jirta, isagoo cadeeyay in halis ay ku jirto magaalada Jowhar oo ay go’doomiyeen daadad ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle.

Xildhibaanka oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dadka ka barakacay fatahaadaha iyo colaada ay heyso dhibaato aad u xoogan, si ba’an u rafaaday, isla markaana wali ay la il daran yihiin gaajo.

“Dadka Gobolka Shabellaha Dhexe ku nool waxay s ba’an ugu rafaadeen, wali la il daran gaajo, biyo nadiif la’aan waxa ay ka xigsadaan ma jiro, awal dhulka wabiyada kaneecada iska aheyd meel rug u ah meel ay ka galaan aysan jirin qabowga iyo biyaha oo cabsi ku haya inay qaadaan ay ku dhow yihiin”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Dowladda Soomaaliyaa ayaa markii ugu horeysay ee Dhibaatada Fatahaaddu ay soo shaac baxday waxay ku dhawaaqday inay Gobalka ugu gurmanayso Lacag gaaraysa 50 Kun oo Dollar.

Dhalxa ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay Dhibaatada Shabeelaha Dhexe, isagoo Farta ku goday Lacaga 50-ka Kun ee Dollar ah oo ay Dowladdu ku yaboohday, taas oo uu ku sheegay mid aan ku filnayn Culeeska ay Dhibaatada halkaa ka jirta leedahay.

Xildhibaanka ayaa is barbar dhigay Dhibaatada Shabeelaha Dhexe iyo Lacagta ay Dowladdu ku yaboohday iyo dhibta ay dhalisay Duufaanta Puntiland iyo sida ay Dowladdu ugu gurmatay, wuxuuna tilmaamay in Duufaanta Puntiland la buun buuniyay sidaasna ay Dowladdu Dhaqaale badan ugu yaboohday.

Mudane Dhalxa ayaa sheegay in waxa iminka isaga u muuqanaya ay yihiin inaan Saddaqada xitaa loo sinnayn oo ay tahay 4.5, marka la eego sida loogu gurmaday Dadka Laba Gobal oo ah mid aad u kala badan, wuxuuna tibaaxay in Dadka Shabeelaha Dhexe ay Dhibaatadu iyaga ku hor dhacday aadna u culustahay tooda, hadana aanay Kaalmo badan helin.

Isla dhaliilahan waxaa horay usoo bandhigayay Dad kasoo jeeda Shabeelaha Dhexe oo Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Dhalinyaro caadi ah isugu jira, kuwaas oo Dowladda ku eedeeyay inay u kala eexatay Gobaladii Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News