Xog: 130 xildhibaano Dam-Jadiid ah oo lagu xulayo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa billowday diyaarinta xildhibaannada cusub ee ka mid noqon doona baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo la filayo in toddobaadyada soo socda dhismihiisa la guda galo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha ku dhow ay billaabeen xulista shaqsiyaad ayaga ku xiran oo ka mid noqon doona baarlamanka cusub.

Xubnaha la xulayo ayaa u badan dhallinyaro wax kusoo bartay dalalka Sudan iyo Masar oo ku fikir ah kooxda Damu-Jadiid, islamarkaana aaminsan fikradaha xarakada Islaaxa ee fog.

Waxyaabaha ugu badan ee dadka laga eegayo waxaa ka mid ah heerka ay gaarsiisan tahay daacadnimadooda ku wajahan madaxweyne Xasan Sheekh iyo fikirkooda diiniga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa awood u haysta soo xulista xildhibaanada beelaha Hawiye, Dir, iyo Beesha Shanaad, maadaama beesha Hawiye ay kasoo geli doonto maamulada Galmudug iyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo isaga ku xiran, halka Dir iyo beesha Shanaad aysan jirin maamulo matalaya.

Madaxweynaha ayaa horey ugu guuleystay inuu magacabao odayaal saddexdan beel usoo xuli doona xildhibaanada oo asaga mushahar ka qaata, taasi oo sahleysa inuu u keeno xildhibaano uu isaga wato.

Xasan Sheekh ayaa awood u yeelan doona inuu ugu yaraan soo xusho 130 xildhibaan oo Damu-jadiid ah, taasi oo meesha ka saareysa in doorashada madaxtinimada ay noqoto mid caddaalad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com