Magacyada guddiga doorashada heer gobol ee Jubaland (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow magacaabay Guddiga Doorashada maamulkaasi ee heer gobol kuwaas oo maamuli doona doorashada xubnaha labada Aqal ee dawladda Somalia oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Magacaabida Guddigaasi ee uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa timid kadib markii Madoobe uu kulamo latashi ah la qaatay Nabadoonada, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Aqoonyahaanada Jubbaland, waxaana xigay magacaabida guddiga oo ka kooban 8 xubnood.

Guddiga uu Axmed Madoobe magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-Xasan Maxamed Xasan

2-Ladan Xirsi Ismaaciil

3-Maxamed Wali Cabdullaahi Cumar

4-Khadiija Maxamed Ibraahim

5-Maxamuud Xassan Cilmi

6-Axmed Maxamed Cumar

7-Cabdi Cali Raage

8-Maxamed Cusmaan Gaab

Guddigan ayaa qaabilsan maamulka doorashada xildhibaanada aqalada hoose iyo kan sare ee xubnaha laga soo dooranayo maamulka Jubbaland oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Guddigan waxay si toos ah ula shaqeyn doonaan Guddiga doorashada Heer Faderaal ee uu horey u magacaabay Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay noqon doonaan kuwa qabanaya shaqada ugu badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com