Korneylo caan ah oo arrin yaab leh maanta loogu xiray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Amniga Qaranka Somalia ayaa amar ku bixisay in Xabsi la dhigo Korneyl. Maxamed Jimcaale Cosoble oo sheegtay inuu yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo been abuur.

Wasaarada ayaa waxa ay sidoo kale amartay in xabsi la dhigo Korneyl. Yuusuf oo isagu sheegtay inuu magacaabay Korneelka kor ku xusan ee lagu magacaabo Maxamed Jimcaale Cosoble.

Labada Korneel ayaa waxaa goordhow la dhigay Xabsiga dhexe ee Xamar, iyagoo lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen sharciga guud ee Wasaarada Amniga, gaar ahaan kan Taliska ciidamada.

Labada Korneel ee is magacawday ayaa waxaa lagu eedeeyay inay qalqal galiyeen amniga guud ee magaalada Muqdisho iyaga oo sheeganaaya awood iyo xil aysan laheyn.

Korneyl Maxamed Jimcaale waxa uu si ganbasho la’aan ah u sheegtay inuu yahay Taliyaha Booliska Somalia oo been abuur ah, sida ku cad warqada wareegtada ah ee lagu been abuurtay.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in labada Korneyl lala xiray dhowr Sargaal iyo ciidamo difaac u noqday labada Korneyl ee been abuurka sheegtay.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Wasaarada amniga iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com