Hadal-haynta dalaka Carabta ee Kulankii Xasan iyo Netanyahu

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeys ka soo baxa Israel Khamiistii hore qoray Kulan Qarsoodi ah oo dhex maray Ra’isul-wasaaraha Israel, Benjamin Netenyahu iyo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu Warkaasi noqday midka ugu hadal-haynta badan ee gudaha Somalia iyo guud ahaan dalalka Carabta iyo Islaamka.

Warkaasi oo ah mid saamayn ballaaran yeeshay, waxaa si ballaaran u soo xigtay Warbaahinadda Dalalka Carabta, gaar ahaan dalalka Masar, Sudan, iyo kuwa Gacanka Carabta ee GCC.

Wargeyska The Times of Israel, waxa uu Khamiistii la soo dhaafay qoray inay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul-wasaaraha Israel yeesheen Kulankoodii ugu horreeyey, kaasi oo la tilmaamay inuu ka dhacay gudaha Israel.

Wargeyska ayaa qoray inay Saraakiil ku dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo xigteen inuu dhacay Kulankaasi, iyadoo la og yahay inuusan labada Dowladood ka dhexeynin wax Xiriir Diplomaasiyadeed.

Wargeysyadda ugu akhriska badan Carabta ayaana siyaabo isku mid ah uga faallooday Kulankaasi, waxayna Calaamad Su’aal dul dhigeen Kulankaasi iyo Isbedelka ku yimid Siyaasadda Dowladda Federalka Somalia.

Warbaahinadaasi waxay taxliil ku sameeyeen Warka lagu daabacay Wargeyska The Times of Malta, waxayna is-weydiiyeen cidda soo abaabushay Kulanka Qarsoodiga ee Labada Hoggaamiye, Xasaasiyadda uu ku yeelan karo Dowladaha Carabta iyo Istaraatijiyadda Guud ee Mandiqadda Geeska Afrika.

Wargeysyadda dalka Masar, ayaana aad u daabacay Khabarka ku saabsan Kulankaasi, waxayna is-barbar dhigeen Xiriirka Diplomaasi ee ay Israel la leedahay Dowladaha Carabta ee fara- ku-tiriska ah, sida Masar, Urdun iyo Moroko.

Madaxda Dowladdaha hodanka ee Carabta iyo Diplomaasiyiinta madashooda dhexe tahay Xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira ayaana guuxa ugu ballaaran ka muujiyey Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Benjamin Netanyahu, waxayna ka digeen Khatarta ka dhalan karta Xiriirka Ugubka ee Somalia iyo Israel.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyagana si kulul u naqdiyey Kulankaasi, waxayna ku tilmaameen Tallaabo ay ka muuqato Liidnimo Hoggaamineed.

Siyaasiyiintaasi waxay sheegeen in ay kalsoon-darro ka dhex abuurayso Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Dowladaha Carabta ee uu gacan-saarka la leh, isla markaana ay ka xirmi doonaan Ilaha Dhaqaale ee uu ka heli jirey Madaxda Dowladaha Carabta ee Hodanka ah, gaar ahaan Sacuudiga. Imaaraadka, Kuweyt iyo Qatar.

Si kastaba ha ahaatee, haddii la xaqiijiyo Kulanka Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul-wasaaraha Israel waxa uu caqabad ku noqon karaan Hamiga Siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh, oo isagu ku haminayo inuu mar Labaad ku guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee dabayaaqadda sannadkan ka dhici doonto Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa la rumeysan yahay in Ololihiisa Doorashadda ee uu ku guuleystay sannadkii 2011kii uu Taageero Malaayiin Dollar ka helay Dowlad Carbeed oo aan la shaacinin, balse ay markii dambe Warbaahinaddu xaqiijiyeen inay Dowladda Qatar bixisay Kharajkii uu Hassan Sheekh u adeedgsaday Ololihiisa Doorashadda ee uu ku hantay Xilka uu haatan hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com