Xog: Maxay tahay rajada Xasan Sheekh doorashada sanadkaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya oo la doonayo in lagu soo doorto hogaanka dalka muddada afarta sano ee soo socota.

Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay TV Universal oo uu dhaqaalo badan ku kireystay ololaha doorashada darteed ayaa sheegay in rajo badan uu qabo in dib loosoo doorto, maadaama sida uu aamisan yahay wax badan qabtay.

Mucaarad badan oo kasoo horjeedo hab maamulka madaxweyne Xasan ayaa dhalilsan waxqabad la’aanta muddada uu xilka haayay, waxayna ku dhaliilaan inuusan fulin balanqaadyo badan oo uu sameeyay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in markale uu dalka maamulaa afar sano oo kale, sida uu sheegay Xasan Sheikh.

“Aniga Doorashadeyda dabcan aniga isma xukumi karo dadka Somaliyed ayaa I xukumi doona iyo Baarlamaanka imaan doona, laakiin rajo badan ayaan ka qabaa dadka Somaliyed fursad kale maadaama aan aaminsanahay in aan wax fiican dalka u soo qabtay oo fursad kale la siin doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu isbadal kale la imaan doono haddii dib loo doortaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com