Xog: CC iyo A/Madoobe oo kala qeybsaday xildhibaanada Sade

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la soo warinayaa inay kala qeybsadeen Xildhibaanada cusub oo Beesha Mareexaan kaga imaan doona dhanka maamulka Jubbaland.

Ra’isul wasaare Cumar iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in dhexda ay ku dhufsadaan Xildhibaanada cusub, iyadoo mas’uul waliba uu la imaan doono tirro Xildhibaano isaga ka amarqaata, sida aan xogta ku heleyno.

Odayaasha Beesha Mareexaan ee ku guda jira xulista Xildhibaanada ayaa ku xiran labadaasi Mas’uul, waxaana heshiiska ka mamnuuc ah in Odayaasha laga aqbalo cid waliba oo ay iyagu u arkaan inuu matali karo.

Ra’isul wasaare Cumar iyo Axmed Madoobe ayaa isla fahmay in xubnaha Beesha Mareexaan uga mid noqonaaya Baarlamaanka cusub ay labadooda soo maraan, waxaana lasoo warinayaa in ujeedka Axmed Madoobe ay tahay in dhaqaale iyo in Baarlamaanka uu ku darro Xildhibaano isaga u nugul inta uu xilka maamulka Jubbaland hayo.

Sidoo kale, Sharmaarke oo ah musharax u taagan madaxtinimada dalka ayaa isna doonaaya in Xildhibaanada cusub uu kusoo xusho rabitaankiisa si uu ugu biiriyo kuwa uu codkooda ku tashanaayo.

Sharmaarke iyo Axmed Madoobe ayaa afganbiyay awooda Odayaasha Beesha Mareexaan waxa ayna dadku is weydiinayaan waxa Axmed Madoobe ku khasbaaya inuu dhexda ka galo Beesha Mareexaan oo aan waxba ka khuseyn.

Arrintaani ayaa u muuqaneysa mid lagu tagrifalaayo awooda odayaasha Beesha Mareexaan waxa ayna laqdabadaani bilaabatay Asbuucii tagay oo xiriir dhanka Telefanka ah uu dhexmaray Sharmaarke iyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com