Col. Dubi oo weerar ku ah Garowe iyo abaabul dagaal oo bilowday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiil hore oo kamid ahaa ciidamada maamulka Puntland kana goostay maamulkaasi ayaa ku dhawaaqay abaabulka dagaalka ka dhan ah madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Yuusuf Dubi oo sheegay inuu kamid ahaa ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay inuu ka goostay maamulka Puntland, islamarkaana uusan la dhacsaneyn siyaasada C/Welli Gaas.

Waxyaabaha qasbaya abaabulka dagaalka ka dhan ah C/Welli Gaas ayuu ku sheegay iney tahay kadib markii ay waayeen xaquuqdii musharaad oo ah lahaayeen.

Muddo dhowr bil ah ayuu sheegay ineysan helin xaqa ay lahaayeen, islamarkaana ay go’aansadeen iney ka la goostay ciidamo badan, iminkana ay dagaal la galayaan C/Welli Gaas.

Wuxuu ku hanjabay sarkaalkan iney weerari doonaan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal islamarkaana ay la dagaalamayaan maamulka C/Welli, waxaana hadalkan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay Radio Dalsan oo Muqdisho ku yaala.

Dhawaan ayaa gudoomiyihii hore ee gobolka Bari wuxuu bilaabay abaabul dagaal oo baqdin badan abuuray walow markii dambe lagu qanciyay wadahadal.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com