XASAN SHEEKH oo laga celshay xarunta XALANE kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Somalia, ayaa kusoo waramaaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud laga soo celshay Xarunta xalane ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Madaxweynaha uu doonaayay in xarunta uu kula kulmo wafdi cadaan ah oo u socday la socodka howlaha doorashada kuwaasi oo ka socday dalalka Brirain iyo Mareykanka.

Xubnaha uu u socday Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in ilaalada guud ee xarunta ay ku amreen inaan lasoo deyn karin kadib markii ay cudur daar ka dhigteen inaanu ballan gaar ah kala dhexey Xassan Sheekh.

Qorshaha Madaxweyne Xassan ayaa ahaa in wafdigaasi uu qaabilo si uu kala hadlo arrimo dhowr ah, hayeeshee waxaa lasoo warinayaa inuu degdegay isaga oo aan heysan wax ballan ah.

Diblumaasiyiinta reer Galbeedka ayaa inta badan dhowra balamaha waxa ayna tani keentay in Xassan Sheekh laga celsho xarunta bacdamaa aanu qabsan wax wakhti ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan diblumaasiyiin reer Galbeed ah kuwaasi oo ka amar sareeya Madaxweynaha Somalia, waxaana xusid mudan in wakhtiyada ay u baahdaan ay uga yeeraan Xarunta Xalane, halkii laga doonaayay in iyaga ay u martiyaan Villa Somalia.

Maaha markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan Villa Somalia laga soo celsho Xarunta xalane ee magaalada Muqdidho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com