Xog: Xasan Sheekh oo 3 sabab u dafiray la kulankiisa Netanyahu

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya warar ku saabsan kulankii qarsoodiga ahaa ee u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Natanyahu.

Xogo dheeraad ah oo kulankaasi ku saabsan ayaa muujinaaya in kulanka uu weli yahay mid lagu daboolaayo daah si aan caalamka dareen gaar ah uga qaadin calaaqaadka cusub ee xiliga kala guurka ah ka dhex curanaaya Somalia iyo Israel.

Xogtu waxa ay muujineysaa in Madaxweyne Xassan uu la kulanka Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Natanyahu u dafiraayo 3 arrimood oo suuragal ah inaanu qiran la kalankiisa Benjamin Natanyahu waxaana kamid ah:

1- Sababta koowaad oo uu Xassan Sheekh u dafiraayo la kulanka Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Natanyahu ayaa ah in Dowladaha Carabta ay Somalia kala laabtaan kalsoonida.

2- Baqdin laga qabo In la kulanka Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Natanyahu aawgii ay dowladaha Carabta Xassan Sheekh uga jaraan dhaqaalaha uu uga qeybqaadan lahaa doorashada 2016-ka si uu mar kale usoo laabto.

3- In Dowladaha carabta aysan Somalia u qaadan in xogaheeda ay ka iibiso Israel oo cadaawad Siyaasadeed kala dhexeyso inta badan dowladaha carabta.

Kulanka Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Natanyahu, ayaa noqday hadal heynta ugu badan ee iminka ka taagan Somalia iyo dhammaan dalalka ay Soomaalidu ku noo shahay waxa ayna dadku is weydiinayaan sababta xiligaani kusoo beegay in Somalia ay xiriir diblumaasiyadeed la sameyso dowlada Israel oo la rumeysan yahay in siyaasadeeda ay ku maldahantahay qaab sirdoon.

Soomaalida ayaa ku kala aragti duwan kulankaasi, qaarkood waxa ay qabaan in Xassan Sheekh uusan dan ka laheyn la kulanka Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Natanyahu, balse uu ka raadiyay dhaqaale uu kaga gudbo doorashada, halka qaarna ay qabaan in Israel ay liiska ku darsaneyso Somalia si ay uga mid noqoto dalalka xarumaha Sirdoon ku leh Somalia.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kulankaasi kadib la kulmay caqabado Siyaasadeed oo kaga imaanaya dalalka carabta ee sida gaarka ah dhaqaalaha ugu bixiya soo kabashada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com