Xog: 4 beel oo billaabay olole sir ah oo ka dhan ah PUNTLAND

Boosaaso (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelaha dega Puntland ayaa billaabay olole ay kaga soo horjeedaan in Cabdi Weli Gaas uu soo xulo ama ansixiyo xildhibaanada uga mid noqon doona baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Ilo-wareedyo dhowr ah oo ka tirsan beelaha Dhulbahante, Warsan-Geli, Leelkase iyo Cali Saleebaan ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in xildhibaano magac u yaal ah oo ka shaqeeya danta beesha Puntland maamusha ay ku biiraan baarlamanka Soomaaliya ee cusub.

Beelahan oo sheegay inay yihiin wax ay ugu yeereen .5 ama beelaha lagu xaqiray Puntland, ayaa sheegay in ku dhowaad 20 sano oo caddaalad darro ah aysan sii socon karin.

“Waxaa Puntland ka jira muddo labaatan sano ku dhow awood qeybsi ah 3.5, oo saddexda Ina Maxamuud waxaan ahayn halkan aan wax looga ogoleyn, mana aqbaleyno in beeshaas ay xildhibaanno noo soo xusho” Waxaa yiri mid ka mid ah aqoonyahanada beesha Cali Saleebaan oo Boosaaso ku sugan, kaasi oo codsaday inaan sababo amni darteed la magacaabin.

Beelahan afarta ah ayaa sheegay inay qoraal isku mid ah u dirayaan beesha caalamka ugana codsanayaan in loo ogolaado in xildhibaanada ay soo xushaan aysan u baahan ansixinta Cabdi Weli Gaas.

Heshiiskii dowladda federaalka ay la gashay Puntland 31-kii Maarso ayaa dhigayey in Gaas uu ansixiyo dhammaan xildhibaanada beelaha dega Puntland ee ka mid noqonaya baarlamanka cusub.

Si kastaba, ayada oo ay caddahay hagardaamada beesha caalamka ay ku hayso dalka Soomaaliya, ayaa ay u muuqataa in beelahan aysan ku guuleysan doonin ololahooda ka dhanka ah beesha maamusha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com