Xog: Dalal Carab ah oo baaraya kulankii Xasan iyo Netanyahu.!!

Qaahira (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo soo baxaaya ayaa sheegaya in kulankii dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Natanyahu aad looga hadal hayo dalalka Carabta.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaan kulankaasi ku aadan ay iska kaashanaayaan dalalka Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka iyo Qadar kuwaasi oo dhaqaale aan xadidneyn siiya Somalia.

Dalalkan ayaa inta badan is-weydiinaya sida kulankaas ku dhacay iyo sababta keentay in Xasan Sheekh la kulmo Netanyahu, maadaama aysan jirin wax muhiim ah oo ka dhaxeyn kara Israel iyo Soomaaliya.

Dowladaha Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka iyo Qadar ayaa walaac gaara ka muujiyay kulankaasi waxaana si aad ah u hadal haya kulanka labada mas’uul Saxaafada Carabta.

Dowladaha carabta oo il gaar ah ku haya dowlada Israel ayaa waxa ay iminka qabaan in loo soo adeegsanaayo Somalia, waxa uuna shakigu yahay mid ka taagan qodobada laga wada hadlay.

Haddii dowladaha Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka iyo Qadar ay xaqiijiso kulankaasi ayaa waxaa suuragal ah in Somalia ay weyso kaalmadii ay ka heli jirtay dowladaha carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com