TARSAN oo si xikmadeysan uga jawaabay hadalkii Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa farriimo kulul Saxaafada u mariyay Madaxweynaha dowlada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Tarsan ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay haddal maalmo yar un ka hor kasoo yeeray Madaxweynaha Somalia kaa oo ahaa in cadowga labaad ee dowlada uu yahay kuwa had iyo jeer dowlada iyo madaxdeeda u jeediya dhaliisha, kuwaasi oo uu ula jeedo Axsaabta dalka.

Tarsan waxa uu yiri “Dadkii saxda u sheegi lahaa oo dhihi lahaa khalad ayaad kujirtaa meeshaas ayaad ka gaabisay meeshii uu dhihi lahaa aadbaad u mahadsan tihiin ayuu yiri waa cadawgeena labaad”

Tarsan waxa uu sheegay in dadka saxaaya dowlada aysan aheyn cadow balse loo baahan yahay in Xassan Sheekh uu soo barto waxa cadow loo yaqaan iyo wixii wanaagsan, wuxuuna Xassan Sheekh uga digay in hadalada ceynkaasi ah uu lasoo istaago saxaafada horteeda.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Miirkiina ayaa maqan keena ayaa jooga marka waan idiin sheegeynaa waxaan leenahay, war meeshaas ayaad ka qaldan tihiin. maahan macnaheedu inaan idin ceyneyno ama idin habaareyno ama inaan idin neceb nahay waa in aad isa saxdaan adinkuna”

Tarsan waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in Madaxda dalka ay qol isku soo xiraan, waxa uuna tilmaamay inay adag tahay iney la kulmaan si ay ugu sheegaan wixii jira, balse ay iyaguna go’aan sadeen in Saxaafada ay u mariyaan wixii dhaliil ah oo ay qabaan.

Waxa uu yiri “Si kale oo aan wax idiinkugu sheegno maleh waayo cidna idinma aragto dhagxaan iyo ciidamo ayaad albaabada dhigateen dadkana waxaad ku soo galisaan yaa idin jecel ama been idiin sheegaya ama yaa waxaan jecelahay idiin sheegaya ayaad kusoo galisiin xarumihiina”

“Umada waxba uma haysiin adinkaa isku mashquulsan naftiinaad ku mashquulsan tihiin. Ummadaan kama fakartiin. Iskuulkaad dhisteen noo sheega, horumar baan gaarnaad leedihiine. Dugsi hoose oo aad dhisteen ma jiraa”

Tarsan wuxuu kula taliyay madaxda inaysan dalka marin habaabin isla markaana aysan ummada collaysan.

Haddalka Tarsan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmo un ka hor uu Madaxweynaha Somalia sheegay in Siyaasiyiinta dhaliisha kala dul dhaca dowlada ay yihiin cadowga labaad ee dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com