Xog: Shaki hareeyey doorashada 2016-ka kadib markii la sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan dowlada Federaalka ah ee Somalia shaaca ka qaaday in doorashada 2016-ka ay dhici doonto wakhtigeeda, ayaa waxaa soo baxaaya shaki muujinaaya inaanu dhici karin doorashada xiligeeda.

Shakiga ku aadan inaanu dhicikarin doorashada xiligeeda ayaa waxaa qaba Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee dowlada, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Shakiga cusub ee muujinaaya inaanu dhicikarin doorashada ayaa waxaa sidoo kale qaba maamulada dalka gaar ahaan Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed iyaga oo sabab uga dhigaaya inaanu wali qabsoomin talaabooyinkii markhaati furka u ahaa saansaanta doorashada.

Calaamadaha muujinaaya inaanu xiligaani dhicikarin doorashada ayaa waxaakamid ah dhammaan howlihii doorashada hordhaca u ahaa oo aan wali loo gudagalin iyo Guddiga doorashada ee dhawaan la magacaabay oo aan qaadin wax talaabo ah oo ku aadan ujeedkii loosoo xulay.

Howlaha doorasho ee hakatka ku jira ayaa waxaa u sabab ah in wali uu jiro khilaaf ka taagan Guddiga doorashada ee uu mar kale magacaabay Madaxweyne Xassan kaasi oo dhinac u janjeera.

Wakiilada Beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdisho ayaa qudhooda qaba shakiga ah inaanu dhici karin doorashada xiligeeda, balse waxa ay ku dhabar adeegayaan sidii lagu qaban lahaa doorashada, iyadoo ay suuragal tahay in wakhti danbe ay dowlada siiyaan fursad dhan 3-bil.

Wakiilada Beesha Caalamka waxa ay ku howlan yihiin shirar ay ku daraaseynayaan qaabka ay ku hirgali laheyd doorashada Somalia ee 2016-ka oo shaki xoogan uu ku jiro dhicitaankeeda waxaana lagu wadaa inaan laga maarmi doonin wakhti kordhinta.

Shirarka u dhexeeya Wakiilada ayaa waxaan ka marneyn kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud oo su’aalo laga weydiinaayo suuragalnimada doorasho xiligeeda dhacda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo badinayaa in doorashada Somalia ay dib uga dhici doonto xiligeeda walow uu socdo kulamo xal loogu raadinaayo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com