25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: 21 xildhibaan oo ballan-qaad u sameeyey CC oo ay kasoo hareen kaliya…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka walaacsan xildhibaano dhowr ah oo ballanqaadyo uga baxay, sida xubno ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in 21 xildhibaan oo markii hore codad u ballan qaaday ra’iisul wasaaraha ay badankood ka baxeen, ayaga oo sidoo kale diiday inay Hoteel lagu diyaarinaayo Xildhibaanada uu Cumar C/rashiid ka sugayo codka.

Xildhibaan Maxamed Yare oo ka mid ah Xildhibaanada 21-ka ah ee ballan qaadka u sameeyey Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in kaliya toddobo xildhibaan ay hadda kusoo hareen ra’iisul wasaaraha.

Lama yaqaan sababta, hase yeeshee waxaa dhowaan soo shaac baxay in maamulada Puntland iyo Jubaland ay kasoo horjeedana musharaxnimada Sharmaarke.

Waxaa sidoo kale jirta in xildhibaanada laga soo doortay labadaas maamul ay ku tuhmayaan Sharmaarke inuu yahay nin uu wtao Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo danta beesha Daarood aan wax shaqo ah ku lahayn.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Heshiisyo u dhexeeya Musharaxiinta iyo Xildhibaanada Cusub ee la doonaao inay Codka siiyaan kuwaas uu doonaya in musharax kasta ay ka iibsadaan codkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News