Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaanan looga hadlin ilaa lix qodob oo muhiim ahaa.
Shirka ayaa la filayay in xitaa ugu yaraan lagu soo hadal qaadi doono qodobadaasi, waxaase ay u muuqataa in madaxda aysan kusoo dhicin inay muhiim ahaayeen, waxaana kamid ah:-
1-Maqnaanshaha Somaliland ee shirka London, oo dadka qoloba wax u fasiratay.
2 Saldhiga Militari ee Imaaraadku Berbera ka dhisanayo, madaxda isu timi kama hadlin.
3 Soomaalidii lagu duqeeyay xeebaha Yeman. Ugu yaraan lama xoojin in la dalbado baaritaan heer caalami ah.
4 Hashiisyada shidaal iyo kuwa maalgashi ama ganacsi ee la gelo.
5 Burcadbadeeda oo soo laabatay, la islama soo qaadin.
6 Ururka Al-saadicuuna Bil-xaq.
Laakiin qodobka ugu dambeeya ayaa u muuqdo mid ay ka mideysan yihiin qaar kamid ah maamulada dalka in lala dagaalamo ururka cusub ee looga dhawaaqay gudaha dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

