26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Aadan Madoobe oo farogeliyay khilaafka Lafta-gareen iyo Xasan Eelaay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ugu dambeyn farogeliyay khilaafka culus ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Eelaay.

Aadan Madoobe oo sameeyay dadaallo dheeraad ah ayaa dhex-dhexaadiyay labada nin oo mar ku dhawaaday in ay ku dhex dagaalamay magaalada Baydhaba, kadib markii dhaq-dhaqaaqyo oo iska soo horjeedo laga dareemay gudaha magaaladaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay isku deegaan yihiin Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa haatan  sabab u noqoday inay heshiiyaan labada mas’uul, isla markaana lasoo afjaro xiisaddii u dhexeysay oo si weyn looga dareemay Maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Sheekh Aadan Madoobe ayaa isku keenay Laftagareen iyo Xasan Eelaay, waxaana khilaafkooda lagu dhammeeyay kulan ka dhacay Villa Hargeysa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xiriirka Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Soomaaliya uu kusoo laabtay si caadi ah, maadaama ay markii horeba ahaayeen saaxibo siyaasadeed oo aad isugu dhow.

Xasan Eelaay ayaa horay usoo noqday Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed, wuxuuna muddo dheer lasoo shaqeeyay Laftagareen, waxaana si gaar ah loogu xasuustaa inuu ahaa shaqsigii Baydhaba kasoo xiray Wasiir Mukhtaar Roobow, inkastoo markii dambe uu cafis waydiistay, maadaama ay iskala mid noqdeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xiisadan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana si weyn looga dareemay Baydhaba oo maalmo kahor lagu xayiray Wasiir Xasan oo isna ciidamo ku diyaarsaday magaaladaasi, balse markii dambe dadaallo la sameeyay loo ogolaaday inuu kasoo baxo halkaasi.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo afjaray xiisaddan, iyada oo warkan ay si weyn maanta u hadal heyso warbaahinta iyo baraha bulshada Internet-ka.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa kusoo laa laabtay khilaafaadka gudaha, waxaana sabab u ah daaha doorashada hoggaanka maamulkaas oo marar badan dib u dhacday.

Si kastaba, Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxaa haatan ka socda kacdoon lagu doonayo in isbeddel looga sameeyo Koonfur Galbeed, waxaana horkacaya siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News