Xasan iyo Sanbaloolshe oo Muqdisho ku qaabilay madaxa sirdoonka Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulankan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxayna labada taliye iyo madaxweynaha yeesheen wada-hadallo gaar ah.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga Al-Shabaab iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Ibrahim Kalin ayaa lagu wadaa inuu sii wado kulama uu la yeelanayo madaxda sare ee dalka iyo dhiggiisa Soomaaliya  C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Arrimaha kale ee la filayo in laga wada-hadlo ayaa waxaa kamid ah fulinta heshiiska difaaca ee ay dhowaan wada gaareen Ankara iyo Muqdisho, si loo sii dhaqaajiyo

Sidoo kale waxaa hay’adaha sirdoon ee labada dal ay iska xog wareysan doonaan xaaladaha gobolka iyo dhaqaaqa Turkiga uu ka wado Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Safarka Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah isla markaana la filayo in haatan Turkiga uu Maraakiib dagaal usoo diro xeebaha dalkeenna, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiska difaaca ee ay wada galeen labada waddan.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhaninacyada bani’aadanimada iyo milatariga, isaga oo tababaro siiyo ciidamada Xoogga dalka.