Daawo: Taliye Shub iyo wasiir Xasan Macallin oo ay ka dhex tafatay – Maxay isku hayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhex-qarxay wasiirka wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kaas oo uu maanta bannaanka soo dhigay, Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).

Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa weerar culus ku qaaday wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Mudane Xasan Macallin, wuxuuna ku eedeeyay inuu burburinayo ciidamada Asluubta, uuna iska horkeenayo nidaamka dawliga ah.

Taliye Shub ayaa si gaar ah iga horyimid shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda oo uu sheegay in looga hadlayo arrimaha ciidanka Asluubta, balse aysan iyagu wax ka ogayn.

“Hadalkan aan maanta hadlaayo wuxuu ku wajahan yahay wasaaradda cadaaladda si gaarka ah shirka saddexda berri socda ee ay iyadu qaban qaabisay oo ay aqoonyahannada iyo hay’adaha kale dowladda ugu yeertay oo ay ku magacowday inuu ciidanka Asluubta ku wajahan yahay, gaar ahaan dhismaha ciidanka Asluubta iyo xabsiyada” ayuu yiri Shub.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Asluubta anigaa taliye ka ah, mana la’ii sheegin shirkaas waxaan u arkaa khalad burburin howl qaran”.

Dhinaca kale taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay wasaaradda cadaaladda inuuu gaaban yahay waxqabadkeeda, marka loo eego shaqada ciidanka Asluubta.

“Wasarada Cadaaladda waan idin ogolnahay in wixii aan keenay aad isku sawirtaan balse hana gaarsiinina isku sawiri maysaan in aan idin dhahno” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in warkiisa uu gaaban yahay, uuna hordhac yahay, loona baahan yahay in aan lagu kalifin in uu wax badan sheego, isaga oo tilmaamay in shirka saddexda maalin ka socda gudaha Muqdisho aysan quseyn doonin waxa kasoo baxa.